Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Barlamanka Somaliland oo la doortay

Image

HARGAYSA, Somaliland- Xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta yeeshay kulan lagu dooranayay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad kadib markii uu booskaas bannaanaaday doorashadii Baashe Maxamed Faarax.

Kursigan waxaa ku tartamay dhowr Xildhibaan oo kala ahaa; Axmed-yaasiin, Xasan Muuse Hufane iyo Axmed Cabdi Kaahina.

Shir Guddoonka Fadhiga waxa uu ahaa Guddomiyaha Cusub Baashe Maxamed Faarax, waxaana soo xaadiray 71 mudane.

Loollan adag oo dhexmaray Xildhibaanadaas, waxaa markii dambe guushu raacday Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, kadib markii uu helay 50 cod, ninka kusoo xigay ee ahaan Xasan Muuse Hufane, wuxuu helay 16 cod.

Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee loo doortay Barlamanka Somaliland ayaa ah nin dhallinyaro ah oo golaha kasoo galay Gobolka Awdal, isagoo ka tirsan xisbiga Kulmiye.

6-dii bishan August ee 2017-ka, ayay ahayd markii la doortay Guddoomiyaha golahaas oo uu ku guulaystay Baashe Maxamed Farax inkastoo ay ka dhalatay buuq markii dambe xal laga gaaray.

GAROWEONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ciidamo boolis ah u tababaraysa maamulka Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, lama bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska.

  • Somaliland

    09-05-2024

  • 05:20PM

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM