​Guddoomiyihii xisbiga UCID gobaolka Saaxil oo xilka laga qaaday

Image

HARGEYSA, Somaliland- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii xisbigaasi u qaabilsanayd gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasiin.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Ururka, ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba guddoomiye Rooda Axmed Yaasiin laga xayuubiyey xilkii ay xisbiga u haysay, waxana xilka-qaadisteeda lagu sababeeyey aflagaaddo la sheegay inay magaca xisbiga ugu geysatay shirkadda dekedda Berbera maalgelinteeda la siiyey ee DPWorld iyo waliba shakhsiyaad kale, waxana la tilmaamay in aanay dib dambe magaca xisbiga ugu hadli Karin.

Eedaha kale ee qoraalkan loogu jeediyey guddoomiyihii gobolka Saaxil u qaabilsanayd xisbiga UCID, ayaa lagu sheegay inay la fadhiisatay xubno aan ka tirsanayn Xisbiga kuwaas oo eedeeyay maamulka sare ee UCID.

Qoraalkan ayaa raalligelin loogu diray shirkadda DPWorld iyo cidkasta oo dhibsatay hadalladii marwo Rooda.,

Rooda Axmed Yaasiin, guddoomiyihii gobolka Saaxil ee xisbiga UCID, ayaa maalmo kahor xukuumaddu xadhig u geysatay, waxana soo baxayey khilaaf huursan oo u dhexeeyey iyada iyo guddoomiye Faysal Cali-waraabe, kaas oo haatan gaadhay in xilkaas laga qaado.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM