Miyuu Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif ka baxay maamulka Somaliland?

Image
Wararka lagu kalsoonyahay waxa ay sheegayaan in Cabdirisaaq Khaliif uu gebi ahaanba ku biiri doono madaxda kacdoonka.

HARGEYSA, Somaliland - Guddoomiyihii golaha wakiilada Somaliland ayaa dhaliyay fulkaano siyaasadeed kadib markii uu noqday mas’uulkii ugu sareeyay Somaliland oo kasoo horjeedsada dagaalka maamulka Muuse Biixi ka waddo gobolka Sool.

Hadalkii uu ka jeediyay Laascaanood ee ahaa in xukuumadda Muuse ay aqbasho baaqii Garaadada ee ahaa in ay kasoo horjeedaan gooni isu taagga, islamarkaasna hoostagaan dowladda federaalka ayaa loo fasirtay in uu ka baxay maamulka Somaliland, lana saftay kacdoonka SSC.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa hadalkaas waxa uu taageero horleh uga helay dadka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, oo isaga ku matelayay Somaliland. Hase ahaatee, waxaa aad looga dhibsadey hadalkiisa meelo kale oo ay kamid tahay Hargeysa.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Koore oo warbaahinta la hadlay, ayaa guddoomiyaha ku eedeeyay in uu ka shaqaynayo hawlo kasoo horjeedda qaranimada Somaliland.

Ma cadda tallaabooyinka xiggi doona, balse wararka lagu kalsoonyahay waxa ay sheegayaan in Cabdirisaaq Khaliif ay suurta-gal tahay inuu iska casilo xilka Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Somaliland, kuna biiri doono kacdoonka SSC ee ka ka socda LaasCaanood oo uu hadda ku sugan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM