Gunta kiiska xukuumadda Biixi u xirtay Cabdimaalik Coldoon

Image
Hadalo is-burinaya ayaa kasoo yeeray xukuumadda Somaliland kuna saabsan qadiyadan tuhunka dhalisay.

HARGEYSA, Somaliland – Walwal badan ayaa lasoo darsay qeyb badan oo kamid ah bulshada Somaliland ka gedaal markii ay soo shaac-baxdey in haweenay faafisa Diinta Masiixiga ay maamule ka tahay jaamacad ku taala magaala madaxda Hargeysa.

Joy Isa, oo warar soo baxayo ay tibaaxayaan in ay Jimcadii shalay u dhooftey caasimada Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa madax ka ahayd Jaamacada Barwaaqo, oo hoostagta shabakada Abaarso oo bixisa adeegyo kala duwan oo dhanka tacliinta ah.

Kiiska haweenaydan u dhalatay Nigeria ayaa dibada u soo baxay markii saxafi Cabdimaalik Muuse Coldoon uu ciwaankiisa baraha bulshada kusoo bandhigay sheekooyin iyada khuseeya.

Coldoon, oo sidoo kale ah samafale, ayay booliska kasoo xireen Burco todobaadkii lasoo dhaafay. Warbixino haatan soo baxaya waxay xusayaan in wariyaha loosoo gudbiyey Hargeysa.

Illaa haatan, ma jirto wax dacwad ah oo lagu soo oogay. Balse, xarigiisu wuxuu imaanayaa iyaddoo qadiyadan ay jirto. Sidoo kale, Coldoon wuxuu todobaadyo hore si kulul uga hadlay xarunta dhaqanka Hargeysa "oo dhaqan xumo ka jirto".

Kala hadalka maamulka talada haya

Hadalo is-burinaya ayaa kasoo yeeray maamulka talada haya ee uu madaxweynuhu ka yahay Muuse Biixi Cabdi. Isaoo ka hadlayey xaflad qalin-jabin oo 16-kii August Jaamacadu qabatay, Biixi wuxuu si adag u difaacay hay'adan waxbarasho.

"Waxaa had iyo jeer lagu murmaa Iskuulka Abaarso iyo Jaamacadiisa Barwaaqo, dad badan oo aan fahamsanayn ama aan Jibbadooda dersin waxa ka socda ama u cadow ah  Islaamka ayaa waxay ka fidiyaan warar aanay hubin waxa ay yihiin, taasi waxay igu keliftay inaan taggo Dugsiga Abaarso oo shaqaynaya annigoo keligay ah oo aan ciddina ila socon oo gaadhi yar wata si aan u oggaado waxa ka socda, waxaanan soo taabtay in iskuulkaasi ay ka socdaan wax qarankeenu u baahan yahay Islaamku u baahan yahay," ayuu Biixi munaasabada ka yiri.

Balse, maanta wasaaradiisa Awqaafta iyo arrimaha Diinta oo war-saxaafadeed kasoo eedeymaha ka dhanka ah shabakada Abaarso waxay sheegtay in ay furtey baaritaan kana codsatay dadweynaha in ay is-dejiyaan kahor natiijada baaritaanka.

Qaar badan oo kamid ah dadweynaha ayaan rajo fiican ka qabin in maxsuulka baaritaanka uu noqon doono mid naqdinaya hadalka Biixi, wallow tirro kale ay dalbanayaan in la sugo.

Culimo badan oo ka hadlay Masaajido iyo qaar fariimo soo mariyey baraha bulshadda ayaa cod dheer waxay ku dalbadeen in xorriyadiisa loosoo celiyo Coldoon “shuruud la’aan"; xukuumada Muuse Biixi Cabdi ayay ku booriyeen in ay "Islaamka kor u qaado".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM