Dowladda Somaliland oo waqtiga loo kordhiyay

Image
Image
Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Golaha Guurtida Somaliland oo Labo maalin kahor Guddi u saaray waqtiga ay qabsoomayso doorashada Madaxtooyada maamulkaas ayaa maanta shaaciyay xilliga ay qabsoomayso.

Guddigan oo ka koobnaa 21 xubnood oo Guddoomiye ku-xigeenka golahaas uu madax u ahaa ayaa isku raacay in waqtiga doorashada laga dhigo, 13-12-2017.

Xubnahan oo sidoo kale ka dooday waqtiga doorashada Xildhibaanada golaha degaanka ayaa isku waafaqay in la qabto Bisha Afraad ee isla sannadkan.

Go’aankan ayaa looga dhawaaqay fadhi maanta Xildhibaanadu ku yeesheen magaalada Hargaysa xarunta Somaliland.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli dhowr jeer oo hore dib u dhac ku yimid doorashada madaxtooyada Somaliland, waxaana arrintan dabo socotay talo soo jeedin katimid dhinaca xukuumadda oo ay ku raaceen Axsaabta siyaasadda.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii la sheegay in waddanka ay ka jiraan abaaro baahsan oo la sheegay inaysan qabsoomi Karin waqtigan cod bixinta shacabka.

Golaha Guurtida ayaa inta badan go’aamiya arrimaha xaasaasiga ah eek u saabsan masiirka maamulka Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM