Hargeysa oo martigelisay "shir caalami ah" xilli ay jirto xiisad

Image
Image
Image
Image
Image
Mucaaradka ayaa ku eedeeyay xukuumadda Muuse Biixi Cabdi in ay "maleegeyso" muddo kordhin.

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta Hargeysa ka furay shir lagu lafo-gurayo lagagana doodayo nabadda iyo dawlad-dhiska kaas oo uu soo qabanqaabiyey machadka The BRENTHURST Foundation ee uu hoggaamiyo Dr. Greg Mills.

Shirkan oo diiradda lagu saaray Amniga iyo dawlad-dhiska, kana mid ah barnaamijka caanka ah ee African Security Dialogue, laguna casuumo waddamada Afrika ee muhiimka u ah arrimaha amniga.

Aqoonyahanno, siyaasiyiin, cilmi-baadheyaal, saxafiiyiin iyo haldoor kale oo ka kala yimi  ugu yaraan 17 (Toddoba iyo toban) waddan ayaa ka qeybgalaya kulankan oo muddada uu socdo lagu faaqidi doonaa arrimaha muhiim ah u amniga.

Dr Mills ayaa ka sheekeeyey nuxurka shirka ku tilmaamay inuu salka ku hayo amniga iyo dhismaha dawladnimada, waxaana uu tilmaamay inuu yahay shirkii ugu horreeyey ee machadkani ku qabto Geeska Afrika.

Biixi oo soo dhaweeyey in shirkan lagu qabto gudaha Somaliland ayaa caddeeyey "inay taasi caddaynayso xasilloonida iyo amniga ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida ay u tahay bogcad dunidu ku qabto kalsooni buuxda oo dhinac kasta ah".

Intii ay socotay hadal-jeedintiisa oo ku baqeysay luuqadda English-ka, Biixi ayaa ku nuux-nuux-sadey wax uu ku sheegay "jidkii dheeraa ee Somaliland u soo martey dimuqraadiyadda ay maanta haysato".

Is-araggan ayaa kusoo beegmaya xilli gudaha Somaliland ay ka jirto xiisad salka ku haysa doorashooyinka madaxtinimadda oo mucaaradka ay dalbadeen in si deg-deg ah loo qabto ayaga oo ka digay muddo kordhin ay sheegeen in uu damacsan yahay Biixi wallow uusan ka hadlin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM