Itoobiya oo u kala dab-qaadaysa Somaliland iyo Garaadadda SCC

Image
Xogta ayaa sheegaysa in Somaliland ay cadaadis badan kala kulantay beesha caalamka, gaar ahaan Maraykanka.

HARGEYSA, Somaliland - Wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo uu hormuud ka yahay nin Soomaali ah ayaa Garowe kula kulmay qaar ka mid ah Garaadada goboladda SSC, waxayna ka wada hadleen sidii loo dajin lahaa colaadda.

Saraakiishan ayaa sidoo kale soo maray Hargeysa, halkaas oo ay kula kulmeen madaxda Somaliland, waxaana la fahamsanyahay in ay kala xaajoodeen maamulka Muuse Biixi in ay dib uga gurtaan aagaga dagaalada.

Marka laga tago xabad joojinta, lama ogga waxyaabaha kale ee heshiiska labada dhinac uu noqon karo xilli aad loo kala fogaaday qalbi ahaan kadib iska-hor-imaadyadii ugu dambeeyay.

Wararkii ugu dambeeyay ee goobahaasi kasoo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay gaadiid iyo gantaaladii ay Laascaanood ku duqeynayeen qaarkood ka rareen saldhigga Gooje-Cadde, waxaana aad loo faafiyay muuqaalo gaadiidkaasi muujinaya oo sii socda.

Xogta ayaa sheegaysa in Somaliland ay cadaadis badan kala kulantay beesha caalamka, gaar ahaan Maraykanka oo waqti kama dambeys ah u qabtay maamulka Muuse in uu joojiyo duqeynta iyo dagaalada.

Balse, Somaliland ayaa si cago-jiid ah ciidankeeda ula baxayso, kuna dooday in halmar aysan ciidanka wada bixin karin, una baahantahay muddo billooyin ah.

Dhanka kale, tirakoobyo kasoo baxaya laamaha caafimaadka ee Sool ayaa sheegaya in dadka dhintay ee shacabka ah ay gaarayaan 145 qof, halka dhaawacyada ay gaareen 1080 qof. Waxa intaasi dheer in 100 kun ka badan ay ka baro kaceen.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa isna shaaciyay tirakoobyo intaasi ka ag dhow, iyada dad u ololeeya gobolada Sool iyo Sanaad ay diyaarinayaan dacwado dambiyo dagaal oo ka dhan ah mas’uuliyiinta Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ciidamo boolis ah u tababaraysa maamulka Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, lama bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska.

  • Somaliland

    09-05-2024

  • 05:20PM

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM