Kenya oo beenisay in ay safaarad ka furaneyso Hargeysa

Image
Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Alfred Mutua, ayaa hadalkan wuxuu ku caddeeyay qoraal uu ku daabacay Twitter-ka.

HARGEYSA, Somaliland - Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kenya ayaa waxay gaashaanka ku dhufatay wararka la isla-dhexmarayo ee ku aadan in xafiiska xiriirka Nairobi ee Hargeysa loo badalayo safaarad.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Alfred Mutua ayaa hadalkan waxa uu ku caddeeyay qoraal uu Jimcihii ku daabacay ciwaanka uu ku leeyahay mareegga Twitter-ka.

Hadalheyntan ayaa ka dhalatay kadib markii Somaliland ay kasoo muuqatay qorshe maamulka madaxwayne William Ruto uu safaarad ugu badalayo xafiisyada Kenya ku leeyahay lixda iyo lixdan dal.

Somaliland ayaa waqti badan gelisay in ay xiriirka adag la samayso wadamada gobolka oo ay ku jirto Kenya halkaasoo ay ka sameysatay Xafiiska Isku-xirka Sebtember 2021 iyaddoo geysay afar sarkaal.

Markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu booqdey Kenya December, 2020 lana kulmay Uhuru Kenyatta, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay Kenya.

Kahor falkaas Diseembar 2020, Golaha Amniga Qaranka Kenya (NSC) wuxuu bishii Maarso 2020 ku eedeeyay Ciidanka Soomaaliya inay ku xad-gudbeen xuduudkooda waqooyi-bari iyo inay dhibaateeyaan muwaadiniinta ku nool magaalada xuduudka ah ee Mandheera.

NSC waxay sheegtay in falalka ay Soomaaliya ku kacday ay la macno tahay "weerar aan loo baahnayn oo ay geysteen askar shisheeye oo ujeedkoodu ahaa in ay Kenya ka caraysiiyaan".

Eedeyntaas ayaa ka dambeysay markii magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo uu dagaal ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan dowladda federaalka iyo maamulka madaxwayne Axmed Madoobe.

Dowladda federaalka ah ayaa dhankeeda ku eedeysay Kenya in ay "hubeysay maleyshiyaad kasoo talaabay dhana xuduudka" iyo "in ay faragelisay madax-banaanida Soomaaliya".

Somaliland ayaa 1991-kii waxay ku dhawaaqdey in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale hase ahaatee illaa haatan ma aysan helin aqoonsi rasmi ah aduunka wuxuu u arkaa in ay hoostagto Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM