​Khilaafkii Gollaha Wakiiladda Somaliland oo la xaliyey [Daawo]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Waxa lagu guuleystay in lasoo soo afjaray Khilaafkii xoogganaa, ee ka taagnaa Kursiga Guddoomiye-nimada Gollaha Wakiillada Somaliland, kadib dhex-dhexaadin La sameeyay.

Khilaafkan oo keenay gacan-qaad iyo is-qab-qabsi hareeyay Aqalka Wakiiladda, ayaa lagu dhameeyay wada-hadallo dhex maray Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Baashe Maxamed Faarax iyo Cabdiraxmaan Talyanle ayaa ku dhawaaqay in xal laga gaarey Khilaafkii jiray.

Khilaafka ayaa lagu dhameeyay in Cabdiraxmaan Talyanle uu Tanaasulay isagoo Baashe-na aqoonsaday in Talyanle uu helay 39-ka Cod, isaguna helay 38 Cod, sidaasi darteedna uu Talyanle u tanaasulay.

Labada Murashax ayaa ku tartamey Doorahadii Xilka Gudoomiyaha Aqalka Wakiiladda Somaliland oo dhacday 7-dii bishan, taasi oo uu ku guuleystay Baashe Maxamed Faarax, oo katirsan Xisbiga KULMIYE.

Talyanle ayaa diiday in laga guuleystay, wuxuuna sheegay in isaga uu yahay Murashaxa helay 39-ka cod, isagoo ku eedeeyay Gudiga Doorashada inay musuq-maasuqeen Codadkii ay dhiibteen Xildhibaanada, oo mid kamid ah loo weeciyay dhanka Baashe.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in Kiiska markii loo gudbiyay Maxkamadda Somaliland, balse iyaduna ay usoo wareejisay Gollaha Guurtida, oo marjac u ah maamulkaasi, oo ugu dambeyntii xaliyay Khilaafkii Hogaanka Gollaha Wakiiladda.

Somaliland, oo iskeeda ugu dhawaaqday inay ka go'day Somalia 199, balse Caalamka wali ka helin aqoonsi, ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo Doorashada Madaxtinimo Bishi November, ee soo socota.

Hoos ka daawo Shirkii Jaraa'id ee lagu shaaciyay in lasoo afjaray Khilaafkii Gollaha Wakiiladda.


GAROWEONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ciidamo boolis ah u tababaraysa maamulka Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, lama bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska.

  • Somaliland

    09-05-2024

  • 05:20PM

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM