Khudbadii uu Muuse Biixi ka jeediyay Mareykanka

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa xaley ka jeediyay khudbad taabaneysa dhinacyo badan.

Khudbaddan uu madaxweynaha jeediyay ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Machadka lagu magacaabo The Heritage Foundation ee laga leeyahay dalka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa aad oogu dheeraaday khudbadda asaga oo ka warbixiyay dhammaan marxaladihii iyo caqabadihii ay soo martay xukuumadda Somaliland.

Mudane Biixi ayaa khudbadiisa kusoo qaatay arimo badan oo quseeya danaha Somaliland.

Dimuquraadiyadda

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay ku talaabsatay horumar balaadhan ee dhanka dimuquraadiyadda ah.

Madaxweynaha ayaa intaasi raaciyay in ay Somaliland ay muujisay biseel siyaasadeed taas oo u sabab ah hanaanka dimuquraadiyadda dalka.

Asaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in dimuquraadiyadda Somaliland ay sii ahaan doonto mid ku dayasho mudan indhaha caalamkana soo jiidata.

Wadahadaladda Soomaaliya iyo Somaliland

Madaxweyne Muuse biixi ayaa sidoo kale ka hadlay wadahadalladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya in ay guul darreysteen, lagana socon doono.

Mudane Biixi ayaa yiri, “laga soo bilaabo sanadkii 2012 illaa 2022, natiijadii laga sugayey wadahaladda oo ahayd in lagu xaliyo hal qodob oo muranka dhaliyay kaasi oo ahaaa madaxbanaanida Somaliland ayaa wax xal ah laga gaarin, taasi badalkeedana dowladda Soomaaliya ay u isticmaashay wadahadalladii socday mid ay ku wiiqeyso madaxbanaanida Somaliland.”

“Eedda wadahadalada guul dareystay waa leh dowladda Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.”

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale yiri, “waxaan aaminsannahay in wadaxaajoodyada lagu guul darreystay in xal looga gaaro hadafyadii looga gol lahaa.”

Somaliland iyo caalamka

Mudane Biixi ayaa sheegay in wadamo badan oo ay ka mid yihiin Itoobiya, UK, Denmark, Taywaan, Turki, Kenya iyo dowladda Imaaratka ay ku leeyihiin xafiisyo diblumaasiyadeed magaalada Hargeysa ayna tahay in Mareykankana kusoo biro.”

Duulaanka Ruushka ee Ukraine

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale ka hadlay duulaanka uu Ruushka ku qaaday dowladda Ukraine, asagoo sheegay in dadka reer Ukraine ay wadaagaan arimo badan oo ay kamid tahay, dhibaatada, dhimashada, duqeymaha iyo qaxootiga.

Waxuu intaasi ku daray in shacabka reer Somaliland khibrad badan u leeyihiin dhibaatooyinka ay haatan wajahayaan dadka reer Ukraine maadaama dadka Somaliland ka mid yihiin dadkii ugu horeeyay oo la kulma dhibaato noocan oo kale ah.

“Waan dareemeyna, waana ka xunnahay, ma taageereyno in duqeeyo magaalooyin, dumar iyo caruur, taasina dagaal ma aha ee waa xasuuq,” ayuu yiri madaxweynaha Biixi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM

Itoobiya oo ciidamo boolis ah u tababaraysa maamulka Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, lama bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska.

  • Somaliland

    09-05-2024

  • 05:20PM