Laascaanood oo gashay "xaaladii ugu darneyd ee milatari"

Image
In ka badan 30 qof ayaa ku dhintay dagaalkii shalay ka dhacay xarunta gobolka Sool.

HARGEYSA, Somaliland - Dagaal ayaa mar kale ka qarxay Laascaanood. Daryanka hubka culus ayaa aroortii manata laga maqlay duleedka xarunta gobolka Sool.

Fahfaahinta ayaa intaas ku daraysa in iska-hor-imaadka uu ka soconayo guriga gobolka halkaasoo ay dageen mas'uuliyiinta Somaliland.

Illaa haatan, lama soo sheegin wax khasaaro ah. In ka badan 30 qof ayaa ku dhintay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada.

Somaliland oo qoraal soo saartey ayaa dagaalka Laascaanood mar kale saaka ka qarxay la xiriirisay Puntland una qaylo-dhaamisay Beesha Caalamka.

Laascaanood ayaa wajahaysa "xaaladii darneyd ee milatari oo magaalo Soomaaliyeed soo food-saarto mudooyinkii dambe".

Dad kooban oo sahayda ka caawinaya ciidamada ayaa ku sugan gudaha xarunta gobolka Sool. Shacabkii kale caadiga ahaa ayaa lagu waramay in ay barakaceen.

Dagaalka ugu xoogan ayaa laga soo wariyey dhanka buurta Sayidka. Qaar kamid ah cutubyadii ciidanka Somaliland ee aagga Tukuraq ayaa kusoo biiray jiida hore.

Dadka degaanka ee is-hubeeyay ayaa ku sugan gudaha magaalada. Khasaaro u badan dhaawacyo ayaa illaa hadda la xaqiijiyey. Dadka ugu badan ee wax soo gaartey ee shacab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM