Loolanka guddoonka xeer-dejinta oo weji cusub yeeshay

Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Loolanka doorashadda guddoonka baarlamaanka Somaliland ayaa mar-xalad cusub galay ka gedaal markii xisbiga talada haya ee KULMIYE uu "kala jebiyey" dhigiisa mucaaradka ah ee UCID.

Kow iyo tobban (11) mudane oo ka tirsanaa xisbiga UCID ayaa ku saxiixay Hargeysa in ay dhisayaan musharaxa afhayeenka Golaha Wakiilada xisbiga KULMIYE kaasoo ah Yaasiin Fatartoon, wasiirkii hore ee dibadda.

Munaasabad ka dhacdey caasimadda Hargeysa oo isbaheysigan cusub looga dhawaaqay ayaa lagu soo bandhigay in garabka kasoo go'ay UCID oo la sheegay in ay qaadanayaan labadda guddoomiye ku xigeeno.

Sida uu xeerinayo heshiiskaas, Saciid Giire iyo Cabdinaasir Qodax oo UCID kamid ahaa ayaa sida ay u kala horeeyaan waxay u kala tartamayaan guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad.

"Waxaan UCID uga soo tagnay talo la'aan, talo-maroorsi iyo cadaalo darro aan tirsaneyno," ayuu si cad uga dhawaajiyey Qodax oo ka hadlay munaasabadda oo uu martigeliyey Hotel Maansoor.

Qodax ayaa ahaa xoghayaha xisbiga UCID. War-saxaafadeed kasoo baxay UCID waxaa lagu sheegay in jagadii laga xayuubiyey. Bayaanka wuxuu ku eedeeyay "khiyaano" iyo "kala qeybinta xisbiga dhexdiisa ah".

Sidoo kale, warkaas qoraalka ah ayaa ku dhaliilay Qodax in uu talaabadda uu ku kacay ee ku aadan saxiixa heshiiska ay tahay mid sharci darro ah. Hase ahaatee, UCID masoo bandhigin qodobada ay cuskadeen.

Heshiiska garabka UCID iyo KULMIYE ayaa burburinaya ishabeysiga mucaaradka galay bishii hore kaasoo xeerinayey in ay wada dhisan doonan shir guddoonka maadaama ay heleen aqlabiyadda golaha.

Sikastaba, heshiiskan ayaa yimid xilli xubno ka tirsan mucaaradka ay maalmihii u dambeeyay u sheegeen warbaahinta in KULMIYE uu bixinayo lacago laaluush "si uu u iibsado codadka mudaneyaasha," wallow uu ganafka ku dhuftay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM