Maamulka Somaliland oo dil toogasho ku fuliyay lix maxbuus

Image

HARGEYSA, Somaliland – Somaliland ayaa maanta oo Khamiis ah waxay dil toogasho ku fulisay lix maxbuus, sidda ay ku warantay saxaafadda maxaliga ah. Shaqsiyaadkaas ayaa waxaa la wariyey in loo haystay eedo dilal.

Dilka toogashadda, sidda ku cad warbixinada, ayaa ka dhacdey duleedka xabsiga Mandheera ee ku yaala degaanka Mandheera ee gobolka Saaxil.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo xog ogaal ah, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa qalinka ku duugay fulinta xukunaddan.

Magacyadda lixda ruux ee la toogtey ayaa lagu kala sheegay;

1-Yaasiin Maxamed Yuusuf
2-Sharmaarke Sahal Oogle
3-Quulle Maxamed Cilmi
4-Khaalid Cabdi Xaydar
5-khadar Maxamed Warsame
6-Cabdikariim Maxamed Mahdi

Maamulka Hargeysa ayaan wali ka hadlin fulinta xukunkan dilka toogashadda oo ay ridday maxkamadda sarre "kadib caddeymo la horgeeyay".

Bishii koowaad ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii sidaan oo kale ay Somaliland xukun dil toogasho ah ku fulisay lix ruux oo loo haystay eedeymo ay kamid yihiin dilka shacab ah iyo kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab.

Midowga Yurub ayaa maalmo kadib wuxuu cambaareeyay falkaas, wuxuuna cod dheer ugu baaqay joojinta xukunada dil toogashadda la xiriira.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii sheegata in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale, hasa ahaatee, dunida waxay u aqoonsan tahay maamul goboleed si toos ah u hoostaga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM