Madaxda Soomaaliya oo ayiday mowqifka caalamka ee xaalka Laascaanood

Image
War-murtiyeedkii shirka Baydhabo ayaa lagu soo hadal-qaadey dagaaladda xarunta gobolka Sool.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa si kulul waxa uu u cambaareeyay "hurinta" colaadda magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool halkaasoo boqolaal rayid ah ay ku geeriyoodeen.

War-murtiyeedka kasoo baxay shir-maxadeedkan magaalada Baydhabo ka socdey labadii maalmood lasoo dhaafay ayaa dhinacyada ku dagaalamaya Laascaanood u diray "baaq nabadeed".

Sidda ku xusan bayaankan oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, qaabka kaliya ee lagu soo afjari karo rabshadahan waa in ay miiska wadahadalka isugu yimaadaan darafyadan.

"Goluhu wuxuu baaq nabadeed u dirayaa dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Laascaanood, wuxuuna cambaareynayaa cid kasta oo qayb ka ah hurinta dagaalka iyo sii socoshada colaadda," ayaa lagu yiri qoraalka.

Warka ayaa intaas ku daray: "Goluhu wuxuu soo jeedinayaa wadada keliya ee xalka mushkiladda taagan inay tahay wadahadal. Dawladda Federaalku waxay diyaar u tahay inay mar walba kaalinteeda ka qaadato nabadeynta".

In ka badan 200 ruux ayaa ku geeriyootay tirro intaas ka badan waxaa kasoo gaarey dhaawacyo ka gadaal markii ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka ay dagaalo ku dhexmareen magaalada Laascaanood.

Odayaasha dhaqanka ayaa wadaxaajood ay la furaan maamulka Hargeysa waxay shuruud uga dhigeen in ciidamadda xukuumadda Biixi ay gabi ahaanba baneeyeen gobolka - haddii kale uusan xal imaan karin.

Baaqa kasoo baxay hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa waxa uu taageerayaa soojeedino maalmihii lasoo dhaafay ka imaanayay saaxiibadda caalamka kuwaasoo ku riixaya darafyadda in ay miiska ku xaliyaan colaadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM