Somaliland: Cabdiraxmaan Saylici oo laga helay Covid-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici, ayaa xaqiijiyey in laga helay safmareenka Coronavirus, sidda uu Isniintii ku daabacay ciwaanadda uu ku leeyahay baraha bulshadda.

"Waxaan maalintii sadexaad la tacaalayaa xanuunka Coronavirus (Covid-19). Habeen hore ayaa jawaabta helay," ayuu yiri.

Saylici ayaa intaas ku daray: "Waa allah mahadii ilaa iyo imika xaaladayda caafimaad aad iyo aad ayay u wacan tahay. Aniga iyo inta uu asiibay waxaan allah uga baryayaa caafimaadka sareec ah".

"Waxaan bulshada ku wacyigalinayaa in ay ku dhaqmaan fariimaha wacyigalinta ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL," ayuu tibaaxay.

Wuxuu xusay: "Sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa dhakhaatiirta qaranka oo xil wayn iska saaray ka hortaga iyo la tacaalida safmarka (Covid-19)".

Wasiir ku xigeenka caafimaadka Somaliland, Mahdi Cusmaan, iyo wasiirka maaliyadda, Sacad Cali Shire, ayaa dhankooda laga helay safmarka, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee maamulka.

Soomaaliya oo Isniintii waxay heshay qeybtii ugu horeysay ee talaalka Covid-19 ayaa laga diiwaan-geliyey 12 kiisas cusub iyo 138 dhimasho ah 24-kii saac ee lasoo dhaafay, sidda ay ku warantay Wasaradda Caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM