Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti
JABUUTI - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa maanta u kicitimay safar shaqo oo socon doona muddo saddex cisho ah, isaga oo kusii jeeda dalka Jabuuti.
Safarka madaxweynaha ayaa yimid kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle. Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.
Cirro iyo Madaxweyne Geelle ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan arrimo la xiriira danaha labada dhinac iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.
Xiriirkii Jabuuti kala dhaxeeyay maamulka Somaliland ayaa xumaaday sanadkii hore oo xukuumadii Muuse Bixii ku eedeysay Ismaaciil Cumar Geelle inuu marti-geliyay shaqsiyaad ka shaqeynaya dhismaha Awdal State.
GAROWE ONLINE