​Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb galay Roob-doon

Image

HARGAYSA- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),ayaa shacabka kala qayb galay tukashada salaad roob doon ahayd oo gebi ahaanba laga tukaday deegaanada maamulkaasi, kadib markii abaaro laxaad lihi ku dhufteen.

Madaxweynaha ayaa boqolaal qof  oo ku sugnaa garoonka kubadda cagta ee Hargeysa kala qaybgalay salaaddaasi, waxaana uu EEBBE ka baryey inuu abaarta kasoo furto dadka iyo duunyada dhibaataysan ee xanuunka abaartu taabtay oo qaybtood u geeriyoodeen.

Wasiirka diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isagu dadka tujinayey, ayaa shacabka ugu baaqay inay is cafiyaan, isla-markaana caawiyaan walaalahooda goobaha durugsan abaartu ku haleeshay, waxana uu sheegay in naxariiste EEBBE lagu heli karo iscaawin iyo isgacan qabasho.

Somaliland waxa ka taagan jiilaal daran oo dad iyo xooloba saamayay, waxana dhibaatada ugu weyn ka jirtaa tahay gobollada Galbeedka oo ugu yaraan 8-ruux ku eeriyoodeen, waxana socota tallaabooyin dadkaas lagu caawinnayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM