Madaxweynaha Somaliland oo xilka ka qaadey wasiirka Boosta Isgaarsiinta

Image

HARGEYSA- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxauu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay, JSL/M/XILQ/249/1-3973/042016 uu xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday, Wasiirkii Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Taliyihii Ciidanka Badda Somaliland.  Digreetada Madaxweynuhuna waxay u dhignayd Sidan:-

WAR-SAXAAFADEED  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxauu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay, JSL/M/XILQ/249/1-3973/042016 uu xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday, Wasiirkii Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Taliyihii Ciidanka Badda Somaliland.  Digreetada Madaxweynuhuna waxay u dhignayd Sidan:-

1. Ujeeddo: Xil-ka Qaadis   

Ku:  Mudane, Maxamed Jaamac Abgaal, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta  

Og:Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta   

Mudane, Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartey in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee jamhuuriyadda Somaliland.  

Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aadhaysay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Mudane, Cismaan Garaad Soofe, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.

2. Ujeeddo: Xil-ka Qaadis 

3.   Ku: Sarreeyo Guuto, Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), Taliyihii Hore ee Ciidanka Badda JSL  

Og:Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha   

Mudane, Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaangartay in aan kaa qaado xilka Taliyaha Ciidanka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.  

Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aadhaysay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Badda Jamhuuriyadda Somaliland, oo si ku meelgaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.

ALLAA MAHAD LEH  Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax) 

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM