Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo beeniyey warar laga faafiyey [ DHAGEYSO]

Image

HARGEYSA, Somaliland- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire oo ku sugan magaalo madaxda dowlada Somaliland ee Hargeysa ayaa beeniyey warar lagu qorey Baraha Internet-ka kuwa soo sheegayey inuu wadahadal siyaasadeed la yeeshey madaxda xisbiga mucaaradka ah ee Wadani.

Warsidaha Garowe Online oo wax ka waydiiyey Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland xaqiiqda wararkaan ayaa beeniyey isagoo xusey in Hargeysa u joogo arrimo gaar ah kuwasoo aan siyaasada ku lug laheyn. 

Cabdisamad Cali Shire oo tan iyo inta uu xilka ka dagey ku sugnaa magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa sheegey in wadanka dibadiisa u aadey arrimo caafimaad isagoo sheegey in dhowaan Puntland ku soo noqon doono. 

Hadalkii  ku xigeenkii hore ee Puntland uu kaga jawaabey su'aal Garowe online waydiisey ayaa sidaan u dhacey: HALKAAN RIIX OO KA DHAGEYSO  

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM