Mareykanka oo u hanjabay dadka hurinaya colaada Laascaanood

Image
Washington ayaa sheegtey in ay diyaarisay liiska shaqsiyaad ay kusoo rogeyso cunaqabateyn.

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka xilka ka sii tegaya ee dalka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André, ayaa sheegay in shakhsiyaadka ku lugta leh hurinta colaadda Laasacaanood ay ka qaadi doonaan tallaabo.

André oo waraysi siiyay laanta af Soomaaliga ee BBC ayaa tibaaxay in Maraykanka ay miiska u saaran tahay cunaqabateyn ka dhan ah shakhsiyaadkaas oo aanu magacaabin.

"Anaga iyo saaxiibadda kale ee caalamiga ah waxaan war saxaafadeed ka soo saarnay xaaladda Laasacanood durbadiiba markii uu bilowday dagaalka. Waxaan ku baaqnay in colaadda la joojiyo, miiska wadahadalka lagu xalliyo khilaafka iyo in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo dadka ku barakacay dagaalka. Waxaan si toos ah ula hadlay hogaamiyayaasha Hargeysa, Laasacaanood iyo Garowe," ayuu yiri.

Colaadda Laasacaanood ayaa socotay tan horraantii February, waxaana ku dhintay boqolaal qof. Qaramada Midoobay waxay tiradda dhimashada ku sheegtey in ay ka badan tahay 300 ruux oo u badan dad rayid ah.

“Si cad ayaan u sheegnay halka aan ka taagannahay dagaalkaas. Wadahadalkii aan la yeeshay Madaxweyne Biixi iyo qoraalkii aan soo dhigay baraha bulshada labaduba waxaan ku sheegay in sii socoshada dagaalka ay ka dhalan karaan cawaaqib dhanka sharciga ah oo dhankeena ah," ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray: "Go’aannada noocaas ah waxaa gaara mas’uuliyiin sare oo ku sugan Washington, xiriir joogta ah ayaana la leenahay oo ku aaddan xaaladda. Marka la gaaro go’aannadaas, lama shaaciyo cidda la saaray cunaqabateynta, balse waxaa la shaaciyaa in aan qaadnay tallaabadaas oo ah mid aan jeclayn balse laga fursan waayay".

"Waxaan cunaqabateynta soo rognaa marka tallaabooyinka dhinacyada ay ka dhashaan arrimo si toos ah uga horimanaya danaha aan ka leenahay Soomaaliya nabdoon, xasilloon oo guul gaarta, isla markaana si buuxda dib ugu soo kabatay," ayuu kusoo xiray.

Laascaanood ayaa xudun u ah muran dhuleedka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland oo ay qeyb ka yihiin Sool, Sanaag iyo Ceyn. Dagaalo qaraar oo horey u dhexmaray labada dhinac waxay galaafteen nolosha dad badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM