Mareykanka oo "xanibay" safarka mas'uuliyiin ka tirsan Somaliland

Image
Jaaliyadda Koonfur Galbeed ee Waqooyiga Ameerika ayaa la sheegay inay dacwad ka gudbiyeen labada Wasiir.

HARGEYSA, Somaliland - Wasiirada Warfaafinta iyo Arimaha Gudaha Somaliland Saleebaan Koore iyo Maxamed Kaahin ayaa loo diiday Fiisaha Maraykanka oo ay ka dalbadeen Safaarada Jabuuti.

Koore iyo Kaahin ayaa lagu waramay in ay doonayeen in ay ku biiraan waftiga madaxwayne Muuse Biixi, oo la sheegay in uu booqanayo Washington dabayaaqada bishan.

Sida ay muujinayaan warbixinadda la helayo xubnahan ayaa waxaa lagu eedeeyay labada Wasiir in 1,600 oo Soomaali ah ay si qasab ah uga barakiciyeen magaalada Laascaanood sanadkii hore.

Jaaliyadda Koonfur Galbeed ee Waqooyiga Ameerika ayaa laga soo xigtey illo ku dhow warbaahinta maxaliga ah iyo tan Mareykanka, inay dacwad ka gudbiyeen labada Wasiir.

Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay barakicinta qasabka ah ee dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee looga soo musaafuriyey Laascaanood wax ay Hargeysa ugu yeertay "walwal dhanka amniga ah".

Mas'uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa ku qeexay talaabadda maamulka Biixi "wax laga xumaado oo aan u wanaagsaneyn Soomaalinimadda iyo guud ahaan dhaqanka Islaamka".

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya hase ahaatee waxay dunida u aqoonsan tahay maamul hoostaga xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM