Mas'uul ka tirsanaa guddiga doorashada Somaliland oo la dilay

Image
Marxuum Cabdullaahi Laba-go'le ayaa la dilay xalay, sida saraakiishu xaqiijiyeen. [Photo: KDS]

HARGEYSA, Somaliland - Dabley ayaa lagu waramay in ay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ay xalay ku dishay guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Somaliland, Marxuum Cabdullaahi Laba-go'le.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka, kooxda hubeysan ayaa beegsatay mas'uulkan xilli uu kasoo laabtey Pharmacy uu ku lahaa magaaladda isla markaana uu kusii jeeday hoyga uu ka degan yahay magaalada.

Mas'uuliyiin ayaa intaas ku daray in "gacan=ku-dhiiigleyaashii" ka dambeeyay falkaas ay ka baxsadeen meesha ay wax ka dhaceen isla markaana laamaha ammaanka ay "ka shaqeynayaan sidii loosoo qaban lahaa".

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashooyinka Somaliland ee xaruntiisu tahay magaaladda caasimada ah ee Hargeysa yaaa tacsi loogu diray qoyska, asxaabta, qaraabadda iyo "cid walba oo ay geeridiisu taabatay".

"Tacsi Xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka somaliland oo ugu horeeyo Gudoomihaya komishanka C/rashiid Maxamuud cali (Riyo-raac) agaasimaha guud ee komishanka Jamaal Maxamed jaamac iyo shaqaala weynaha komishanka, Madaxda komishanka heer gobol iyo heer degmo waxay tacsi tiuraanyaleh u dirayaan IIaahay ha u naxariistee Gudoomiyii komishanka doorashooyinka Gobolka Sool Marxuun C/laahi Laba-go'le oo caawa gacan ka xaqdarani ku dishay magaalada Laascaanood waxayna marxuunka ilaahay uga baryeen in uu janada fardawsa ku casuumo ehelka iyo asxaabta iyo qaranka somaliland samir iyo iimaan ka siiyo aamiin aamiin," ayaa lagu yiri bayaanka.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan. Balse, dhacdooyin noocaan ah oo horey uga dhacay Laascaanood waxaa sheegatay maleyshiyadda Daacish ee ku dhuumaaleysta degaanada buuraleyda ah.

Maarso, 2020-kii, taliyihii sirdoonka gobolka Sool ee Somaliland, Cabdiqani Guhaad, ayaa lagu dilay Laascaanood. 2-dii bishaas waxaa isla magaalada lagu toogtay Xasan Maxamuud, guddoomiyihii maxkamada isla gobolkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM