Mashruuca Injineer Yariisow oo sii huriyay xiisadda DF iyo Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Talaabo dharbaaxo ku noqoneyso rajadii isu soo dhowaanshiyaha, Somaliland ayaa qaadacday mashruuc loogu magac-daray Eng Yariisow oo laga fulinayo Muqdisho iyo Berbera.

Mashruucan oo Midowga Yurub ku maal-gelinayo aduun lacageed dhan 23 milyan oo Yuuroo [25 milyan oo dollar] qeybna ka ah barnaamijyadda hormarinta waxaa qalinka ku jiiday dowladda federaalka Soomaaliya.

Qaybtiisa magaala madaxda waddanka, mashruuca Eng Yariisow, oo lagu maal gelinayo 15 Milyan oo Yuuro ayaa waxaa si casir ah loogu dhisayaa wadda dhirirkoodu dhan-yahay 17 KM.

Qaybtiisa magaaladda dekadda leh ee Berbera ayaa waxaa looga shaqeynayaa xoojinta awoodda dowladaha hoose ee qorshaha horumarinta magaaleynta iyo horumarinta dhallinyarada.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Qorsheynta maamulka Hargeysa ayaa lagu xusay in uusan mashruucaasi quseyn, kaliyana ku kooban yahay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Dhinaca kale, qoraalka oo uu xaqiijiyey Garowe Online ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay "siyaasadeyneyso" arrimaha horumarinta, taasi oo "ka hor-imaaneysa is-afgaradyo ay horey u gaareen".

"Somaliland waxay ka xun tahay in maamulka Muqdisho uu lacagta canshuur bixiyeyaasha Yurub u adeegsaneyso in uu ku waxyeeleeyo sharafta Somaliland iyo dadkeena mana aqbaleyno," ayaa lagu yiri.

Somaliland ayaa sheegata madax banaani tan iyo sanadkii 1991-dii, balse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul goboleed hoos-taga dowladda federaalka, oo adkeysatay midnimada dalka.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xasilooni darro ku beereysaa gobolka, waana in ay ka baaqasato ficilada noocaasi ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka oo ku taariikheysanaa 1-da September.

Mashruuca Injineer Yariisow, duqii hore ee Muqdisho, ayaa u muuqda mid sii karkarinaya xiisada dowlada federaalka iyo Somaliland, taasi oo tan iyo markii uu xafiiska yimid Farmaajo cirka isku sii shareertay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM