Maxay Somaliland uga aamusan tahay dilalka Laascaanood?

Image
Maamulka Hargeysa ayaa wajahaya dhaleeceyn culus oo kaga imaanaysa qeybaha kala duwan ee Bulshada.

HARGEYSA, Somaliland – Maamulka Somaliland ayaan wali ka hadlin dil habeenimadii Sabtida todobaadka ay dabley gurigiisa hortiisa magaalada Laascaanood ugu geysteen Cabdirisaaq Axmed Cilmi oo ka tirsanaa golaha degaanka xarunta gobolka Sool.

Illaa haatan, ma jirto koox dusha saaratay mas’uuliyadda falkaas. Sidoo kale, laamaha ammaanka waxay ka gaabsadeen codsiyo ay u dirtay saxaafadda oo ah in ay ka warbixiyaan dilkaas.

Kiiskan ayaa ku biiray dhacdooyin horey oo magaalada laga soo tabiyey kuwaasoo lagu beegsaday mas’uuliyiin xil haysa iyo qaar kamid ah haldoorka magaaladda oo odayaal ku jiraan.

Aamusnaanta maamulka Somaliland oo Laascaanood ka ariminaya tan iyo 2010-kii ayaa shaki ku abuurtey wax-garadka magaalada. Sheekh Cabdinaasir Axmed waa mid kamid ah dadkii ugu dambeeyay ee sida codka dheer uga falceliyey "ugaarsigan qorsheysan".

Dhaliisha laamaha amniga

Axmed oo kasoo muuqdey muuqaal si weyn loogu faafiyey baraha bulshadda ayaa sheegay in ciidamadda Somaliland u jooga Laascaanood ay ku fashilmeen adkeynta nabad-gelyadda.

"Habeenkii meel walba boolis ayaa taagan. Hadda waxaa caado noqotay haddii booliska habeenkii magaalada lagu soo daadiyo qof baa yaala [la dilay] waaqic caadi ah ayay noqotay," ayuu yiri.

Si lamid ah, Axmed oo wacad ku maray in shacabka ay had iyo goor kor uga hadli doonan "gumaadkan" ayaa tuhunsan in haddii beegsiga shaqsiyaadka wax galka u ah bulshadda Laascaanood uu la xiriiro aano-qabiil.

"Dilka 2010-kii illaa 2021 oo Somaliland ay joogto Laascaanood oo aan ka dhaceyn Burco, Hargeysa iyo Booraama oo kaliya halkan [Laascaanood] ay ku xukuman tahay; arrintaas ma aanan garawsan wax la garowsan karana ma ahan," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Al-Shabaab iyo Daacish

Warsidaha Garowe Online ayaan si madax-banaan u xaqiijin karin sheegashooyinka Sheekh Axmed ee ku saabsan in Somaliland ay masuul ka tahay dilalka ka dhacaya Laascaanood.

Kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ayaa horey loosoo wariyey in lagu arkay Laascaanood waxaana ay qaateen mas'uuliyadda falal madax-jabin ah oo halkaas ka dhacay.

Labadan maleyshiyo ayaa si dhuumaaleysi ah waxay uga howlgalaan degaanada buuraleyda ah ee Puntland oo ay deris yihiin Somaliland wallow muddooyinkii dambe ay wajahayaan cadaadis kaga imaanyaa ciidamadda.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa qeyb ka ah dedaalada caalamiga ah ee Soomaaliya looga dabar-goynayo argagixisada wallow askarta Ameerikaanka ay ka hayaameen dalka dhamaadka sanadkii hore.

Iska-indhatirka Muuse Biixi

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Axadii shalay ka hadlay xaflad qalin-jabin oo ka dhacdey magaalada Boorama ayaa Somaliland ku sifeeyay mid kamid ah aagaga ugu nabada badan Geesa Afrika.

"Marka loo eego dagaalada la ololeya dalalka Geeska Afrika, Somalilnad nabad buuxda ayay ku joogtaa. Shicibka intiisa badan baa leh nabadda oo intiisa badan ilaashadey. Waxaan kaliya u mahad-naqaynaa dadka naftooda u huray ee xabada ugu dhacdo ayaga oo nabada ilaalinaya waa ciidamadee," ayuu raaciyey.

Hase ahaatee, Biixi ayaa iska-indha-tiray dilka ka dhacay magaalada Laascaanood xataa kama uusan tacsiyeysan. Dhanka kale, madaxtooyada Somaliland kama jawaabin codsi faallo ka bixin la xiriirta eedeynta aamusnaanta.

Laascaanood ayaa magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho u jirta 1,027 KM. Sidoo kale, caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxay u jirtaa qiyaastii 511 KM. Tan iyo 1991-dii maamulkan wuxuu sheegtaa madax-banaani balse wali aqoonsi rasmi ah kama helin aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM