Maxay tahay sababta Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI looga yeeray CID-da?

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Maanta looga yeeray Xarunta CID-da magaaladda Hargeysa, oo su'aallo ka waydiisay arrimo la xiriira hadallo uu jeediyay, oo ku weeraray siyaasadda Muuse Biixi.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa dhawaan sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu haysto Baasaboorka dalka Jabuuti, oo ku aado safaradda dibadda, taasoo abuurtay xaaladda xasaasi ah, oo ka taagan Madaxtooyadda.

Muuse Biixi ayaa kahor inta uusan Madaxweyne noqon ayuu haystay dhalashadda Jabuuti, kaasoo aan jirin meel uu ku celiyay markii uu Madaxweyne ka noqdey Somaliland, waxayna jebinaysaa arintaas dastuurka Maamulkan, sida WADDANI sheegay.

Hadalkan ayaa CID ugu yeertay Xirsi inuu ka jawaabo, waxaana saakay uu tagey xarunta Hargeysa, halkaasoo Warbaahinta maxaliga kusoo tebisay in mas'uuliyiin badan oo WADDANI katirsan inay goobta tageen.

Xisbiga WADDANI ayaa sheegay inay caddeymo u hayaan inuu Muuse Biixi wali haysto Baasaboorka Jabuuti, islamarkaana taasi tahay "qiyaanno qaran", maadaama uusan dastuurka qabin in qof haysta dhalashada dal kale inuu Madaxweyne ka noqdo Somaliland.

Somaliland ayaa kusoo dhaw doorashadda, waxaana tartanka uu yahay mid adag sanadkan, iyadoo ay jiraan khilaafaad siyaasadeed, oo ay kamid yahay qorshaha Muuse Biixi inuu kordhiya xisbiyadda siyaasadda May 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM