Maxay yihiin shuruudaha UK ku xirtay aqoonsiga Somaliland?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Geedi aqoonsiga Somaliland waxuu noqday mid adag, kadib markii dowladda Ingiriiska, ayaa ku xirtay shuruudo culus oo buuxintooda aysan sahlanayn.

Somaliland oo sheegtay inay ka go'day Soomaaliya 1991-kii ayaa muddo soddon sano ah ku jirtay halgan inay caalamka ka hesho aqoonsi si ay u noqoto qaran madax-bannaan.

Vicky Ford, Wasiirka UK u qaabilsan Afrika, ayaa sheegay in London ay aqoonsan doonto Hargeysa haddii ay dowladda Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika ay isku raacaan in Somaliland loo aqoonsado dal madax-banaan.

Wasiirka ugu sareeya UK ee arrimaha Afrika waxay hadalkaas ka sheegtay mar ay ka jawaabaysay codsi uga yimi xildhibaan Danny Kruger oo ay ka wada-tirsan yihiin Baarlamaanka UK.

Waxay Ford xustay in UK la jaanqaadayso go'aanka beesha caalamka inteeda kale, oo aanay Somaliland u aqoonsanayn dal madax-banaan.

Sida ay sheegtay, waxa la gaaray wakhtigii ay Somaliland iyo Soomaaliya go’aan ka gaari lahaayeen xiriirka mustaqbalkooda. Hargeysa iyo Muqdisho ayaa isku khilaafay qadiyadda gooni u goosadka, waxaana meesha ka baxay wadahadalkii socday markii Farmaajo la doortay.

"Siyaasaddeenu waxay weli tahay in Somaliland iyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay go'aan ka gaaraan mustaqbalkooda, iyo in dalalka deriska ay hormuud ka noqdaan aqoonsiga iyo qorshe kasta oo cusub," ayay tiri Ford.

In kasta oo ay jiraan shuruudo adag, haddana gabadha wasiirka ah waxay sheegtay in UK ay xafiis joogto ah ku leedahay Hargeysa, islamarkaana ay sii wadayaan kaalmada dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha, oo ay ka mid yihiin dhismaha jidka Berbera iyo Itoobiya, tababarrada booliska iyo ka hortagga argagixisada.

Ford waxay hoosta ka xariiqday in Somaliland ay tahay qayb Soomaaliya ka mid ah, taasoo ay kula wada-shaqeyn karaan, ilaa Soomaaliya ka ogolaatay gooni u goosadkeeda.

Somaliland waxa kale oo ay xafiis dublamaasiyadeed ku leedahay Taiwan oo ugu dambaysay. Horaantii sanadkan, madaxweynaha gobolka Muuse Biixi Cabdi ayaa la kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo kawada hadlay aqoonsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM