Maxkamadda Sare ee Somaliland oo ayiday doorashadii Muuse Biixi [Daawo]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday inay ansixisay natiijada doorashadii madaxtinimada ee 13-kii November ka dhacday maamulkaasi, oo ku guuleystay Muuse Biixi Cabdi.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dastuuriga Somaliland Aadan Xaaji Cali, oo maanta shir jaraa'id ku qabtey xarunta Maxkamadda ee Hargeysa ayaa qaraarka u akhriyay warbaahinta, kaasi oo lagu ayiday doorashada.

Wuxuu tilmaamay in aysan jirin cid dacwad ama cabasho kasoo gudbisay doorashada Muusi Biixi, sidaasi darteedna ay doorashada Muuse Biixi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici ku tahay mid ansax ah.

Doorashada oo ay ku tartameen saddexda xisbi Siysaadadeed ee Somaliland, ayaa waxaa ku guuleystay xisbul xaakimka Kulmiye, oo tan iyo 2010-kii majaraha u hayay talada iyo awooda maamulkaasi.

Gudoomiyaha xisbiga WADDANI, sidoo kalena ahaa musharaxooda doorashadii dhacday Cabdiraxmaan Cirro, ayaa cabasho ka keenay qaabkii ay u dhacday doorashad, isagoo sheegay in lagu shubtay codadka, iyadoo la adeegsaday warqado been abuur ah oo goobo badan looga codeeyay.

Cirro waxa kaloo uu ku eedeeyay gudiga doorashada musuq-maasuq, kadib markii sida uu sheegay kaararka codbixinta lagu soo daray dad geeriyooday iyo caruur aan qaangaar ahayn. Halkan ka kahri.

WADDANI ayaa sidoo kale xusay in mas'uuliyiin korjoogiyaal u ahaa la jirdilay, qaar badan oo taageeriyaashiidana la xiray, waxaana uu qaadacay labo jeer natiijada doorashada, kahor inta aan lagu dhawaaqin iyo kadib markii la shaaciyay inuu Muuse Biixi ku guulaystay xilka Madaxweyne.

Sidoo kale, Feysal Cali Waraabe oo u tartamay UCID ayaa sheegay in doorashada Somaliland u dhacday qaab beleed, balse magac u soo jiitey dadka Soomaalida ee lagu bartey argagixiso iyo burcadeyn Halkan ka akhri.

Dhowr magaalo oo Burco iyo Hargeysa ay kamid yihiin ayaa ka dhacay rabshado ay labo qof ku dhinteen 20 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii ay isku dhaceen taageeriyaasha WADDANI iyo Ciidamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM