​Mayorka Berbera oo ka hadlay wariyaasha la xiray

Image

HARGAYSA- Mayorka Degmada Barbara ee gobolka Saaxil ee maamulka Somaliland Cabdishakuur Maxamud Ciddi, ayaa ka hadlay wariyaasha lagu xiray magaaladaasi, wuxuuna sheegay inay qayb ka yihiin khal khal galinta amniga iyo ka shaqaynta fidnada.

Ciddin oo warbaahinta kula hadlayay magalada Hargaysa, ayaa sheegay inay la kulmeen madaxda warbaahinta islamarkaana isla garteen in hormarka laga shaqeeyo, balse taasi dhici wayday.

"Barogogaandada ayaa ka daran dilka oo waatuu ilaahay Qur'aankiisa ku sheegay, wariyaasha gobolka Saahil, waxaan u aragnay inay ka shaqaynayaan fidinada iyo dhibaatada gobolka, sidaas darteeda annaga waajib ayaa naga saaran sidaan uga hortagi lahayn, "Ayuu yiri Mayorka Berbera.

Wuxuu baaq u jeediyay dhammaan saxafiyiinta gobolka isagoo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan hormarka islamarkaana ka waantoobaan inay khal khal galiyaan ammaanka.

Hadalkan, ayaa kusoo beegmay xilli 26-kii May, 2016 lagu xiray magalada Berbera Wariyaal saddex ah, kuwaasi oo maamulku ku dhaliilay ka shaqaynta arrimo liddi ku ah hormarka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM