Mooge oo loo doortey duqa caasimadda Somaliland

Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Cabdikariim Axmed Mooge ayaa Sabtida maanta ah waxaa loo doortay Maayirka caasimada Somaliland ee Hargeysa, halka ku xigeenkiisa laga dhigay Khadar Nuur.

Mooge oo ka tartamayey xisbi siyaasadeedka WADDANI ayaa wuxuu ahaa Xildhibaankii ugu codadka badnaa doorashooyinka ka dhacay dowladaha hoose ee maamulka Somaliland.

Shaqooyinka ugu waaweyn ee horyaala Mooge ayaa waxaa kamid ah wax ka qabashada biyo la'aan baahsan oo Hargeysa wajaheyso, nafaadda iyo soo celinta bilicda magaala madaxda.

Cabdishakuur Ciddiin ayaa 15-kii bishan June sanadkan 2021 waxaa dib loogu doortey in uu noqdo Maayirka magaalada Berbera, halka ku-xigeenka uu kusoo baxay Nuur Cadde.

Ciddiin iyo Nuur Cadde ayaa ka tirsan xisbiga talada haya ee KULMIYE kaasoo lumiyey aqlabiyadda Golaha Wakiiladda oo ay la wareegeen asxaabta mucaaradka ee WADDANI iyo UCID.

Maxamed Dable, musharraxii la tartamayay Ciddiin, ayaa la sheegay in uusan imaan goobta doorashada. Balse, kulan ay dib ka yeesheen waxaa laga soo wariyey in uu aqbalay natiijadda.

Magaalooyin kale oo dhowr ah ayaa harsan oo ay kamid tahay Burco taasoo warar soo baxaya ay tibaaxayaan in xisbiyadda ay isku fahmi la'yihiin cidda u noqoneysa Maayir iyo ku xigeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM