Mu'adinkii ku 40-sano jirsaday Xabsiga Dhexe ee Hargeysa

Image

HARGEYSA, Somaliland – Somaliland ayaa Sabtidii shalay ahayd waxay sii deysay Maxamed Muuse Ganteesa [Sinjaale] oo ah muwaadin u dhashay Itoobiya si gaar ahna uga soo jeeda qowmiyadda ugu tirada badan dalkaas ee Oromada.

Ganteesa ayaa 2001-dii waxaa 8-sano oo xabsi ah iyo daniyadda loogu xukumay in uu magaala madaxda Hargeysa ku dilay qof kale oo ay isku heeb yihiin. Balse, markii uu magta iska bixin waayay waxaa lagu ridday 12-sano kale oo dheeraad ah.

"Markii la i xirayay 2001-dii waxaan jiray 21 sano hadda oo 2021-kii ah waxaan jiraa 40-sano, ma lahayn wax xaas ah, markaas baa iigu dambeysay magaalada", ayuu ku sheegay wareysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.

Sinjaale ayaa ku daray: "Qofkasta waan kaa bixinayaa [diyadda] ayuu ku oranayay, mana jirin qof iga bixiyay. Sidaas ayaa keentay in aan xabsiga mudadaas ku jiro".

"Qoyska waxay u haystaan in aan dhintay. Beri hore ayaa la i illaaway. Hadda wax xiriir ah lama lihi", ayuu ku daray isaga oo xusay in uusan ka quusan rajadda Alle.

Saaxiibadiisii xabsiga ee soo daayey

Maxamed Muuse Ganteesa oo ah qof Muslim ah ayaa xabsiga waxay isku barteen wariye iyo samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon iyo Cabdimanaan Maxamed Yuusuf, oo ah mulkiilaha muuqaalbaahiyaha maxaliga ah ee loo yaqaan Astaan.

Labadan shaqsi ayaa mudadii ay jeelka kuwada jireen waxay u balanqaadeen in marka ay xorriyadooda dib u helaan ka shaqeyn doonan sidii uu dibada u soo bixi lahaa. Dabcan, waa wacad muuqaneysa in ay oofiyeen kadib markii lasii daayey.

Cabdimanaan ayaa la sheegay in uu bixiyey lacag dhan todoba kun Doolar-ka Mareykanka ah oo la siiyey qoyska magta ka doonayey Ganteesa. Reerka wuxuu sidoo kale cafiyey qayb kamid ah diyadda oo aan wali wadarteeda la shaacin.

Cabdimaalik oo hormuud u ah "Ololaha Kaalmey Kuwaan" oo u dhaqdhaqaaqa awood-siinta dadka danyarta ayaa dedaal ku bixiyey sii deynta Maxamed Muuse.

"Farxad ayaan dareemay markii la ii sheegay in la isii deynayo. Labadii bilood ee aan sugayay in la i sii daayo, hurdaba waan iska daayay farxad daraateed," ayuu ku sheegay wareysiga uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ah ee BBC-da.

Garyaan Guuleed Dafac oo soo dhaweeyay sii deynta Mr Ganteesa ayaa ugu baaqay mas'uuliyiinta Somaliland in ay ka shaqeeyaan sidii ay xorriyadooda u heli lahaayeen "dadyowga laga yaabo in ay u xiran yihiin wax ka yar 100 doolar".

Maxamed Muuse Ganteesa [Sinjaale] oo mudadii uu xabsiga ku jira ku xirnaa qolka No 1 ee ku yaala Block A ayaa ahaa Imaam iyo Mu'adin, sidda ay sheegeen saaxiibadiis jeelka ay isku barteen kuwaas oo xusay inay jiraan dhibaneyaal kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM