Mucaaradka oo iclaamiyey in aysan aqoonsaneyn Muuse Biixi

Image
Dhawaqan ayaa kusoo beegmaya xilli uu dhamaadey muddo xileedka sharciga ah ee madaxweynaha Somaliland.

HARGEYSA, Somaliland - Xisbiyadda mucaaradka maamulka Somaliland ayaa si rasmi ah waxay ugu dhawaaqeen in aysan madaxwayne sharci ah u aqoonsaneyn mudane Muuse Biixi Cabdi.

Madaxda axsaabta kala ah WADDANI iyo UCID oo warfidiyeenka la hadlay waxay sheegeen in ay ictiraafsan yihiin guddoonka labada aqal ee baarlamaanka.

Shacabka ayay ku booriyeen in ay diidaan "wax kasta oo sharci darro ah" iyo in ay is-dajiyaan isla markaana ay ka war sugaan talaabooyin kale oo ay qaadayaan maalmaha soo aadan.

Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa shirka jaraa'id ka sheegay in dimuqraadiyadda ay ahayd arrinta kaliya ee Somaliland ay "sumcada uga heshay caalamka".

"Shacabka Somaliland waxaan leenahay naga raali ahaada. Anaga oo biyo, caafimaad iyo waxbarasho iidn siin, rajo ku noolaydeen in maanta la yiraahdo Somaliland way qarxaysaa; horta qarxi-mayno Insha Allah," ayuu ku daray.

Dhawaqan ayaa kusoo beegmaya xilli uu dhamaadey muddo xileedka sharciga ah ee madaxweynaha Somaliland taasoo ku beegneyd maanta oo ay taarikhdu ahayd 13-ka November, 2022.

Shirka jaraa'id ee hogaanka mucaaradka ayaa wuxuu ka dambeeyay ka gadaal markii ay guuldareysteen isku-dayo la doonayay in lagu kala dhex-galo hogaamiyeyaasha siyaasadda Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM