Mucaaradka Somaliland oo cadaadiska ku kordhiyey Biixi

Image
Musharaxa madaxwayne ee xisbiga WADDANI ayaa ku hanjabay in uu hogaamin doono banaanbax.

HARGEYSA, Somaliland – Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), oo ka mid ah musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Somaliland oo la hadlay taageerayaashiisa oo isugu soo baxay Maqaaxi ku taalla Hargeysa, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay qabsoomidda Dibadbaxa uu ku dhawaaqay.

Cirro waxa uu sheegay in aanay la joojin waqti dadka dareenkooda nabadgalayda ku muujinaya la caburiyo maadaama xaq dastuuri ah oo shacabka uu leeyahay uu yahay isu soobaxa nabadgalyo isla markaana uu hoggaamin doono.

Hoggaamiyaha oo xisbigiisu guulwayn ka keenay codayntii golaha deegaanka iyo wakiilada ayaa sheegay in haddii ay jirto cid u bareereysa in ay rasaas ku furto Shacab aan hubeysneen oo dibadbaxa dhigaya la arki doono isaga oo Madaxweyne Muuse Biixi ugu digay in uu isku sii adkeeyo kursiga.

“Isusoobaxa nabadgalyo waa xaq dastuuri uu shacabka leeyahay oo cidi aanay ka qaadi Karin, isusoo baxaas wuu dhacayaa aniga ayaa hoggaaminaya, ciddii xabbad ku rideysa Shacab dibadbaxaya oo aan hubeysneen hasoo rido, Muuse Biixi waxa aan leeyahay xilka xoog kuma qabsan ee qabo doorasho, haddii aad ku guuleysatid joog haddii lagaa helana dhiib, muddo kordhin ma jirto ” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Musharraxa Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in uu mas’uul ka yahay xubnaha Guddigii Doorashooyinka ee is casilay si uusan u qaban Doorashada ku asteesan 13ka November 2022 sida uu hadalka u dhigay.

Taageerayaasha Xisbiga Waddani waxa uu ka dalbaday in ay isu diyaariyaan dibadbaxa uu iclaamiyay isla markaana aanay cabsi gelin hadallada diidmada ah ee kasoo yeeraya Xukuumadda Madaxweyne Biixi.

“Komishinkii Doorashooyinka qaranka waxa uu Muuse ku guuleystay in uu xabad-xabad u tanaasuliyo oo lagu qasbay in ay tanaasulaan, taasi micnaheedu waa in uusan qaban doorasho, waxa aan taa ka leeyahay, Doorasho la’aan halkaas kuma joogeysid, Dadkuna way isku soo baxayaan, aniga ayaa hoggaamin doono oo waqtiga iyo goobaha waan idinku wargelin doonaa ee diyaar u ahaada” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Saraakiil ka socota Qaramada Midoobay iyo saaxiibada kale ee Soomaaliya ayaa tagay Hargaysa iyada oo ku booriyay Muuse Biixi in uu qabto aan dib u dhac lahayn oo dimoqoraadi ah.

Somaliland oo sheegtay in ay Soomaaliya inteeda kala ka go’day sanadkii 1991 ayaa si iskeed ah isku xukumaysay 30 sano ee la soo dhaafay majirto aqoonsi heer caalami ah iyo gobolka oo ay aduunka ka heshay maadaama loo aqoonsanyahay mid ka mid dowlad-goboleedyada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM