Mucaaradka Somaliland oo iclaamiyey in ay is hubaynayaan

Image
Doorashada madaxtinimada Somaaliland oo la qorsheeyay 13-ka November 2022, ayaa laga cabsi qabaa in ay dib u dhacdo.

MUQDISHO, Soomaaliya – Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ay ku kaliftay hogaamiyeyaasha mucaaridka in ay sameystaan ciidamo hubeysan oo ilaaliya.

Hoggaamiyaha ayaa sheegay in xukuumadda Muuse Biixi ay isku dayday inay khaarajiso hogaanka mucaaridka, gaar ahaan guddoomiyaha xisbiga Waddani, halka qaarkood ay xiran yihiin kadib markii ay ka qeyb-galeen mudaharaad looga soo horjeedo xukuumadda.

 “Waxa uu keenay (Muuse Biixi) in uu sharci sameysto, sharci odhanaya anigu waa joogaya asxaabtana waa baabinaya, meel ay ku taallo ururo toos ah oo la furayo majirto. Waa aragteen in uu dad kiciyay oo magacyo la baxay oo ayaga aan sharci haysan ololeynaya,” ayuu yiri.

 “Muuse Biixi waxa uu keenay in uu isku dayo in mucaaridka xabad la dhaco oo musharaxii xisbiga Waddani iyo ilaaladiisa in uu labo gaadhi mariyo, wuxuu keenay in ciidamadii kala saaro.”

Sidoo kale waxa uu bulshada reer Somaliland ugu baaqay in ay meel uga soo wada-jeestan dhaqamada guracan ee ay wadaan madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirkiisa arrimaha gudaha Maxamed Kaahin.

 “Dhaqamadaas waxay keeneyn in uu ku dhaco is-difaac, oo halka yimaada dad hubeysan oo difaacaya asxaabta ayaa jooga. Dadka uu leeyahay waa beelo ee way difaacayaan waa muwaadiniin reer Somaliland ah oo ka xanaaqay ficilka uu sameeyay.”

Mr Waraabe ayaa sheegay in guddiyadii isku xil-qaamay dhex-dhexaadinta xiisada kala dhaxeysa xukuumadda uu albaabada ka xirtay madaxweyne Muuse Biixi, taasi oo uga sii dareysa xiisada siyaasadeed ee taagan.

Doorashada madaxtinimada Somaaliland oo la qorsheeyay 13-ka November 2022, ayaa laga cabsi qabaa in ay dib u dhacdo sababo la xiriira khilaafka ka dhashay guddiyada codaynta ee sababay in ay kala fogaadaan xisbiyada mucaaradka iyo xisbiga talada haaya ee Kulmiye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM