Mucaaradka Somaliland oo ku dhawaaqay isbaheysi

Image

HARGEYSA, Somaliland - Xisbiyadda mucaaradka Somaliland ayaa ku dhawaaqay isbaheys siyaasadeed kulana wareegayaan guddoonka Golaha Wakiilada iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka.

WADDANI iyo UCID ayaa magacaabay guddi ka kooban min shan xubnood kaasoo ka shaqeynaya meelmarinta hadafkaas ayaa wadar ahaan xeerdejinta waxay ka heleen  51 xubnood.

"Hoggaanka Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee WADDANI iyo UCID ayaa ku dhawaaqay isbahaysi ay ku hananayaan hoggaaminta  Golaha Wakiillada iyo maayarrada magaalooyinka," ayaa lagu yiri qoraal wadajir ah oo ay soo saareen.

War-saxaafadeedka ayaa intaas la raaciyey: "Labada Xisbi ayaa haysta aqlabiyadda xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaannada magaalooyinka waaweyn ee muhiimka ah".

Natiijooyinka hor-dhaca ah ee doorashooyinka golaha wakiilada waxay muujinayaan in xisbiga talada haya uu qarka u saaran-yahay inuu lumiyo kursiga looga arimiyo Somaliland.

Tani waxay luminaysa rajadii madaxweyne Muuse Biixi ee uu ku doonayay inuu xilka ku guulaysto mar labaad. Balse, waxay u badan tahay in uu loolan xoogan kala kulmi doono hogaanka mucaaradka.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale, balse waxaa dunida u aqoonsan tahay maamul xubin ka ah dowlada federaalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso bayaanka

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM