Mudaraahaadyo ka dhacey degaano ka tirsan Somaliland

Image

Berbera- mudaharaaddo rabshado wata, ayaa  ka bilaabmay magaalooyinka Berbera, Ceerigaabo iyo oog, waxana xukuumadu goobahaas geysay ciidamo tiro badan kuwaas oo  awood u adeegsaday kala cayrinta dadweyne caraysan oo goobahaas iskugu soo baxay.

Wararka halkaas kasoo baxaya, ayaa sheegaya in aanu jirin khasaare weyn oo halkaas ka dhacay, marka laga tago tiro dad ah oo la xirxirey iyo askar ay nabaro fududi kasoo gaadheen dadka caraysan oo ka cabanaya dilkii gobolka Saaxil loogu geystay taliyihii booliska gobolka Saaxil oo dablay hubaysan toogasho ku dileen.

Sidoo kale waxa gebi ahaanba is-gaarsiintii laga jaray magaalada Berbera iyo deegaannada ku xeeran, iyadoo laga cabsi qabo in maleeshiyooyin hubaysan oo goobaha miyiga  ah isku urursaday ay warbixinno kala helaan.

Dhinaca kalena  wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay inay xukuumaddu ku dabo jirto kooxdii dilka taliyaha geysatay, waxana uu dadka ugu baaqay inay isdejiyaan oo Dawladda ka war-sugaan.

Cabsi weyn oo xagga ammaanka ah ayaa ka jirta deegaannada gobollada Bariga Somaliland, waxana ay xukuumaddu halkaas u dirtay ciidamo aad u tiro badan, kuwaas oo loogu talo galay inay xakameeyaan  cadhada ka dhalatay dilka Taliyaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM