Mustafe Qodax oo dib ugu laabtey magaalada Hargeysa

Image

HARGEYSA, Somaliland - Mustafe Qodax, oo dhowaan iska casilay xubinimadda Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Isniinta maanta ah ka degay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Mudanaha wuxuu horey u sheegay in uu ka tanaasulay aragtida midnimadda Soomaaliya.

Siyaasiga oo cafis ka dalbadey maamulka Muuse Biixi Cabdi wuxuu u tartamay xilka afhayeenka Senate-ka dowladda federaalka.

Gudaha Somaliland, siyaasiga wuxuu xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ka noqdey xoghaye, halka uu Agaasime ka ahaa Wasaaradda Cayaaraha iyo Dhalinyaradda.

Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ayaan wali ka hadlin socdaalka Mustafe Qoodax oo farxad ka muujiyey ku laabashadda Hargeysa.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale, balse aduunka wuxuu u aqoonsan yahay maamul hoostaga Muqdisho.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi-Galbeed ayaa qaarkood markii ay ku hungoobaan danahooda federaalka waxay dib ugu laabtaan degaankooda markii laga aqbalo cafis ay codsadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM