Muuse Biixi: La iga fili maayo wixii uu Siyaasad Barre sameeyay

Image
Madaxweynaha Somaliland ayaa ka jawaabay eedaha ku saabsan "in uu xasuuq ka geysanayo Laascaanood".

HARGEYSA, Somaliland - Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo mar kale ka hadlay qadiyadda Laascaanood ayaa shaaca ka dhigay in ay maamulkiisa uu diyaar u yahay wadahadalo dhabaha u xaara heshiis iyo nabad.

Biixi oo khudbad ka jeediyey kulan ay agaasintay xukuumadiisa ayaa dalbadey in la yareeyo khasaaraha soo kala gaaraya labada dhinac oo illaa hataan kor-u-dhaafaya in ka badan 100 ruux.

"Reer Somaliland ma kala adkaadaan, isma xaqiraan, ninna, nin ma jiidho waase walaalo is khilaafay oo khilaafka isaga iman doona. Reer Sool waxan leeyahay kollay waa la heshiin doonaaye khasaaruhu ha yaraado, wada-hadalna aynu bilowno," ayuu yiri.

Dhanka kale, Biixi oo si aan toos ahayn uga jawaabay eedaha loo jeedinayo xukuumadiisa ee ah in ay qoriga caaradiisa xalka ka dayday ayaa ku doodey "waanu ku dadaalnay in xaalka la xakameeyo".

"Aniga oo ku hadlaya afka ×ukuumadda aad baan uga xumahay dhibaatada ka dhacday Laascaanood waxana aanu u aragnaa kaa dhimay oo kugu
dhimay, xukuumad ahaanna in arrintaas la xakameeyo waanu ku dedaalnay," ayuu tibaaxay.

Hogaamiyaha maamulka Hargeysa ayaa hadal-jeedintiisa dhexmariyey jawaab kale oo ku saabsan in ay Laascaanood ka geysanayaan "xasuuq lamid ah kii dowladii kacaanka ka sameysay Hargeysa".

"Maanta la iga fili mayo Hargeysa wixii uu Siyaad Barre ku sameeyey inaan magaalo kale ku sameeyo, cid kalena laga fili mayo," ayuu qeybta ugu dambeysay ee khudbadiisa ku sheegay.

Labadii bilood ee lasoo dhaafay, Laascaanood ayaa xudun u ahayd olole dadwayne kaasoo looga soo horjeedo joogitaanka maamulka Hargeysa waxaana ka dhashay isku-dhacyo hubeysan oo dhiig uu ku daatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ciidamo boolis ah u tababaraysa maamulka Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, lama bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska.

  • Somaliland

    09-05-2024

  • 05:20PM

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM