Muuse Biixi oo aqbalay soo jeedintii odayaasha dhaqanka

Image
Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland

HARGEYSA, Soomaaliya - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta dhaqan-geliyay soo jeedintii odayaasha dhaqanka ee lagu xalinayo xiisadda ka taagneed Somaliland, taasoo ay soo dhaweeyeen xisbiyada mucaaradka.

Muuse Biixi ayaa ka codasay Golaha Baarlamaanka in soo-jeedinta odayaasha dhaqanka ay waafajiyaan shuruucda iyo xeerarka doorashooyinka ee Somaliland.

Wareegtada la soo saaray ayaa lagu yiri:

“Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka.”

Odayaasha dhaqanka Somaliland ayaa 27-kii Bishan soo saaray go’aano lagu xalinayo xiisadda doorashada, waxaana ka mid ahaa:

In doorashada madaxtooyada iyo ururada la isa saaro laguna qabto 13kii bisha November 2024, iyada oo ay saddexda xisbi siyaasadeed ee kala ah Kulmiye, UCID iyo Wadani ay ku tartami doonaan doorashada madaxtooyada.

Halka 10 urur siyaasadeed ay ka qayb qaadan doonaan doorashada xisbiyada oo ay ku jiraan saddexda xisbi ee hadda jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM