Muuse Biixi oo aqbalay soo jeedintii odayaasha dhaqanka

Image
Image
Image
Image
Image
Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland

HARGEYSA, Soomaaliya - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta dhaqan-geliyay soo jeedintii odayaasha dhaqanka ee lagu xalinayo xiisadda ka taagneed Somaliland, taasoo ay soo dhaweeyeen xisbiyada mucaaradka.

Muuse Biixi ayaa ka codasay Golaha Baarlamaanka in soo-jeedinta odayaasha dhaqanka ay waafajiyaan shuruucda iyo xeerarka doorashooyinka ee Somaliland.

Wareegtada la soo saaray ayaa lagu yiri:

“Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka.”

Odayaasha dhaqanka Somaliland ayaa 27-kii Bishan soo saaray go’aano lagu xalinayo xiisadda doorashada, waxaana ka mid ahaa:

In doorashada madaxtooyada iyo ururada la isa saaro laguna qabto 13kii bisha November 2024, iyada oo ay saddexda xisbi siyaasadeed ee kala ah Kulmiye, UCID iyo Wadani ay ku tartami doonaan doorashada madaxtooyada.

Halka 10 urur siyaasadeed ay ka qayb qaadan doonaan doorashada xisbiyada oo ay ku jiraan saddexda xisbi ee hadda jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM