Muuse Biixi oo Askaraynaya Caruur

Image
Image
Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Maamulka Somaliland ayaa tan iyo jabkii ciidamadiisa loogu geystay 25 augost Laascaanood waxaa uu uu uruurinayaa maleeshiyo Beeleedyo si uu colaad qabiil uga huriyo deegaanka Oog, Qori-lugud ilaa iyo Ceerigaabo.

Dagaalkii Goojacade ayaa lagu qabtay caruur aan gaarin 14 sano kuwaasi oo ahaa Askar ka tirsan ciidamada ku dhuumaalaysanayay halkaasi kuwaasi oo sideed bilood duqeymo aan kala joogsi lahayn ku waday Laascaanood.

Garowe Online ayaa heshay muuqaalada iyo sawiro muujinaya in caruur aan qaan-gaarin xoog iyo khasab qaybtood looga soo qaaday Hargeysa iyaga oo aan horey u qabin tababar ciidan.

Waalidiinta qaybtood oo codsaday in aan la xusin magacyadooda ayaa xaqiijinaya in wiilashoodi ku jiray dugsiyada sare xoog lagu askareeyay.

Khubarada ayaa ka digaya in Colaada Somaliland iyo SSC-Khaatumo uu u rogo maamulka Muuse Biixi ee wakhtigu ka dhamaaday mid qabiil taasi oo laga yaabo in ay saamayso reer guuraaga.

Dhawaan ayay ahayd markii uu taliyaha ciidanka Somaliland ee ku jabay dagaalka Sool, Nuux Taani uu gaaray Ceerigaabo isaga oo ku hawlan abaabulka maleeshiyo beeleedyo.

Isimada SSC-Khaatumo ayaa ku baaqay in colaada aan loo gudbin reer miyiga isla markaana ay ka digayaan tilaabada maamulka Muuse Biixi uu dagaalka ugu rogayo mid qabiil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM