Muuse Biixi oo dabciyey mowqifkiisa mucaaradka Somaliland

Image
Madaxweynaha Somaliland ayaa munaasabadda 26-ka June baaq ugu Giray siyaasiyiinta dhaliilsan.

HARGEYSA, Somaliland - Xarunta madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa waxa xalay lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu xusayey sannad-guurada 62-aad ee kasoo wareegtay markii ay goboladda waqooyi xorriyaddooda ka qaateen gumaystihii Ingiriiska.

Guddoomiyaha golaha wakiillada, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo munaasibadda ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay qiimaha maalintani Qaranka ku taagan tahay, dedaalkii xorriyadda la geliyey iyo sida ay ugu qalanto in mar kastaba qiimaynteeda iyo muunaynteeda meel sare la gaadhsiiyo.

Guddoomiyaha golaha guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa isaguna dhankiisa bulshada ugu hambalyeeyey maalinta xorriyadda, waxana uu madaxda axsaabta mucaaridka usoo jeediyey inay sharciyadda dalka ixtiraamaan, midnimada iyo wada-jirka bulshadana muhiimad gaar ah siiyaan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan leh, ayaa ugu horrayn bulshada ugu hambalyeeyey munaasibadda 62-guurada kasoo wareegtay maalintii Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay dawladda Ingiriiska, isaga oo sharraxay "guulaha Somaliland gaartay muddadaa ay xorriyaddeeda haysatay".

Siyaasadda arrimaha dibadda ay guulaha Jamhuuriyadda Somaliland caalamka intiisa kale ka gaadhay iyo sida ay usoo jiidatay indhaha quwadaha waaweyn ee dunida ayuu ka sheekeeyey, isaga oo tusaale usoo qaatay dalweynaha Maraykanka iyo saaxiibtinimada midho-dhalka leh ee ay Somaliland la samaysatay.

“Maanta waa markhaati ma doon in Somaliland xorriyaddeeda iyo ictiraafkeeda iyo waxqabsigeeda ay meelaha adduunka looga taliyo oo ay Washington Baarlameenkeedu ka mid yahay ka wado hawlo uu Somaliland wax kula qabsanayo, ingiriiskuna ka wado, caalamka intiisa badanina sidaas oo kale Somaliland la wado, taasina waxay ku timi dedaalkii dadkeena kolba intii joogtay," ayuu yiri.

Biixi waxa uu caddeeyey inay agtiisa taallo oo ay fidsan tahay gogoshii wada-hadalka ee uu horeba ugu baaqay madaxda axsaabta mucaaridka ah, walaaltinimo iyo wada-hadalna uu diyaar u yahay, isaga oo shacabkana ugu baaqay inaanay rumaysan goolaaftanka siyaasadeed iyo hadallada dhinacyadu is weydaarsanayaan.

Qaybaha kala duwan ee bulshada, ayuu madaxweynuhu ugu baaqay inay tacabka u jeestaan, kana tashadaan ku-tiisanaanta wax soo saarka dalalka shisheeye, si looga gudbo xaaladda maanta taagan ee ku timi quutal daruuriga.

"Ugu dambayntii, markii ay saacadda geeska Afrika gaadhay 12:00-kii habeennimo, ayaa la saaray calanka Somaliland, iyada oo uu madaxweynuhuna salaan siiyey calanka," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM