Biixi oo hadlay booqashada Farmaajo ee Hargeysa iyo kulankii Addis Ababa

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta oo Talaado ah la hadlay baarlamaanka maamulkiisa, isagoo ka hadlay arrimo dhowr ah, oo uu ku jiro kulankii Febuary 11 Addis Ababa kula yeeshay Farmaajo.

Muuse Biixi ayaa khudbad-sanadeedkiisii 3-aad u jeediyay xildhibaanada baarlamanka Somaliland, oo ka kooban golaha Wakiilada iyo golaha Guurtida.

Madaxweyne Biixi ayaa ka hadlay arimaha dhaqaalaha, amniga, shaqo la’aanta dhalinyarada, siyaasadda arimaha dibadda ee Somaliland iyo arinta Soomaaliya oo si gaaar ah ugu dheeraaday.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay kulankii dhex amray isaga iyo Farmaajo, booqashada Abiy Axmed iyo Farmaajo ee Hargeysa, taasoo aad loo hadal-hayay labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Bixii ayaa soo dhaweeyay raaligalintii uu madaxweyne Farmaajo ka bixiyay 13-kii bishaan dhibaatadii ka dhacay deegaanada Somaliland 1988 wakhtigii dalka ka jirtay dawladdii uu hogaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay kedis iyo lama filaan ku noqotay raaligelinta Farmaajo, taasoo dhanka kale uu ku tilmaamay tallaabo loo qaadey dhanka nabada, iskaashiga iyo inay isu soo dhaweynayso labada dhinac.

Kulankii Addis Ababa

Muuse Biixi ayaa qiray in kulankii isaga iyo Farmaajo ku dhexmaray xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ee Addis Ababa uu ahaa mid kedis ah, oo aan horey loogu sheegin qorshihiisa.

"Anigoo aad u ordaya, oo faraxsan baan tagey Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha markii la iga wacay 11-kii bishaan, waxaana salaan iyo kaftan kadib, uu Abiy Axmed ii sheegay inuu soo socdo Farmaajo oo xafiiska soo galayo, markiiba isagana wuu yimid, waxaana halkaasi ku galnay saddexdeena shir, aan aniga qorshihiisa horey usii ogeyn," ayuu yiri Muuse Biixi.

Kulanka oo waxyar socday, ayuu Muuse Biixi sheegay in Abiy Axmed uu ku yiri: Waxaan doonayaa oo diyaar u yahay inaan dhexgalo dhibaatada dhextaalla Soomaaliya iyo Somaliland, way raagtay, waana arin u taalla geeska Africa, waana aqbalay inuu arinteena soo dhexgalo Abiy Axmed".

Madaxweyne Biixi ayaa meesha ka saarey in qodobo kale, oo aan ahayn inuu Abiy Axmed dhexdhexaadiya Somaliland iyo dowladda Federaalka looga hadlay shirka, oo ahaa midkii ugu horeeyay oo isaga iyo Farmaajo yeeshaan.

Bixii ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Farmaajo uu booqasho ku tagayo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, isagoo xusay in aanay waligeed dhici doonin arintaas.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in maamulkiisa war rasmi ah kasoo saari doono arinta la xiriirta booqashada la sheegay inuu Farmaajo ku tagayo Hargeysa isagoo uu la socdo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

MUUQAALKA MUUSE BIIXI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM