Muuse Biixi oo hadlay guusha Xasan Sheekh Maxamuud

Image
Hadalkan ayuu ka sheegay xuska 18-ka May oo ah markii ay Somaliland sheegatay in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey xuska 18-ka May oo ah markii ay ku dhowaaqeen in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale ayaa ka hadlay arrimo dhowor ah iyo doorashadii Xasan Sheekh.

Biixi ayaa ugu horeyn soo hadal qaaday qaddiyadda Somaliland, wuxuuna ku eedeeyey Soomaaliya inay weli diidan tahay inay helaan aqoonsi caalami ah.

Madaxweynaha ayaa xusay Soomaaliya ay aaminsan tahay tahay in Somaliland ay weli tahay gobol iyaga ka mid ah, sida uu ku dooday.

“31 sanadood oo aynu kala maqneyn 1991-kii illaa maanta walaaladeyn kama aynaan helin wax garowshiyo ah kama aynaan heli wax gar qaadasho ah waxay isku raacsan yihiin dhammaantood inaanu nahay gobol ka mid ah oo aan xor sheegan karin,” ayuu yiri Biixi.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday doorashadii Madaxweynaha ee dhowaan ka dhacday Teendhada Afisyoone, isla-markaana mar labaad xilka loogu doortay Xasan Sheekh.

Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhoweynayo inay si nabad ku dhacday doorashadaasi, isla-markaana ay talada isku dhiibeen labada Madaxweyne.

Sidoo kale wuxuu ugu duceeyey Madaxweynaha cusub inuu Alle u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.

“Madaxweynaha shalay doorashadiisa nabadda ku dhacday iyo labada Madaxweyne ee gacanta isku dhiibay aad iyo aadbaan usoo dhoweyneynaa in Ilaahey idin barakeeyo oo sidaas ku wadaan waan idin kuugu soo duceyneynaa,” ayuu markale yiri Madaxweyne Biixi.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo dhowaan guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland uu boggaadiyey doorashadii Afisyoone, una hambalyeeyey Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taariikhda ku galay in uu noqdo qofkii ugu horreeyay ee laba jeer loo doorto xilka madaxtinimada Soomaaliya ee dimoqraadiyadda curdinka ah ee Soomaaliya ka dib markii uu si aqlabiyad leh uga guuleystay Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Imaanshiisi ugu horeyay, Maxamuud waxa uu 2012 ilaa 2017 madax ka ahaa dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waa dawladii ugu horaysay ee la abuuro ka dib markii ay dhamaatay mudadii dheerayd ee qalalaasaha ahaa ee soo bilaabmay 1991kii.

Xasan waxa uu u dDhaqdhaqaaqa bulshada rayidka ah iyo aqoonyahanka muddada dheer si buuxda ugu biiray siyaasadda 2011 markii uu aasaasay Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM