Muuse Biixi oo ka hadlay kulankii Faysal Cali W. iyo Farmaajo [DAAWO]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kulankii dhawaan Brussels ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galayr.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay inay amakaag ku noqotay kulanka gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka UCID uu la qaatey Farmaajo, waxuuna caddeeyay in Faysal Cali Waraabe uusan kala maamulkiisa kulanka Farmaajo iyo ka qeybgalka Shirkii Brussels.

"Amakaaga ayay nagu noqotay xitaa ma aanan ogeyn inuu baxay, isagoo Farmaajo la joogo un baan aragnay mana dhici karto, waana la arki doonaa waxay tallaaban ku dambeyso," ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Hadalka Muuse Biixi ayaa imaanaya xilli uu Gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe horey u shaaciyay in uu ku matalay Somaliland Shirkii Brussels ee arrimaha Soomaaliya, kaasoo dhacay 16-kii illaa 17-kii bishan July.

Buuq siyaasadeed ayuu ka dhex abuuray Somaliland la kulanka Faysali Cali Waraabe Farmaajo, iyadoo Xisbiga WADDANI uu ku eedeeyay Xisbiga haya talada, ee KULMIYE inuu wax ka ogaa arrimaha taagan, loona baahan yahay in shacabka loo caddeeyo.

Somaliland ayaa daboolka ka qaadey in waxba uusan ka khuseyn Shirkii Brussels, maadaama sida ay sheegtay uu yahay mid loo qabtey dowladda Federaalka iyo maamullada xubnaha ka ah.

HOOS KA DAAWO KHUDBADA MUUSE BIIXI:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM