Muuse Biixi oo lagu eedeeyay musuq maasuq baahsan & lunsasho hanti dadweyne

Image
Afhayeenka Wadani ayaa ku eedeeyay Biixii inuu burbur u gaystay Somaliland.

Hargeysa, Soomaaliya - Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ee Somaliland ayaa eedaymo culus u jeediyey xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo ku saabsan ku takri-falka hantida ummadda iyo musuq-maasuq baahsan.

Afhayeenka Xisbiga Maxamed Faarax Cabdi ayaa yiri: "Waxa loo dhiibay dal iyo dad midaysan, dal in aad dhisto iska daaye, dalkii dhisnaa ee tacabku galay, ee shacabka Somaliland lahaa, maanta waadiga dhex taagan eh, halkuu kula maraya".

Afhayeenka oo ku eedeeyay Muuse Biixii inuu burbur u gaystay Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynuhu uu xaday hantidii qaranka, isagoo sheegay in maanta uu haysto hanti ka badan tii uu hore u lahaa.

Guddoomiyuhu waxa uu bulshada dhex-dhigay su’aalo ay ka mid yihiin: “Waanu ognahay inuu ka mid yahay ganacsatada dalka, lacagtaas ma samada ayay ka soo degtay?”

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: Xukuumada waxay caadaysatay faafinta beeno iyo barabagaandho aan caddayn lahayn, isla markaana ay sheegeen in lagu xidhay London”

Afhayeenku oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Xukuumaddu waxa ay caadaysatay in ay been abuur iyo eedaymo aan sal iyo raad toona lahayn ka faafiso, waxaanay sheegeen in Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan lagu xidhay Magaalada London.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM