Muuse Biixi oo shaaciyay 2 qodob uu kula soo heshiiyey Abiy Axmed

Image

BOORAMA, Somaliland - Madaxwaynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay markii ugu horeysay kulanka uu todobaadkii hore caasimada Itoobiya kula yeeshay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Isaga oo meel fagaaro ah kula hadlayey shacabka magaalada Boorame ayuu Muuse Biixi xaqiijiyay in uu ogolaadey in dib loo bilaabo wadaxaajooyadda dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Hargeysa, oo haatan hakad ku jira.

Madaxweynaha ayaa shaaciyay in Abiy Axmed uu soo jeediyay in wax kasta lagu xaliyo wadahadal iyada oo beesha caalamka dhex dhexaadinayso, taasi oo uu Biixi qiray in ay aqbaleen.

"Tobbankii sano ee lasoo dhaafay inaga [Somaliland] ayaa walaalayaal u daba soconay..hadii ay wadahadal ogol-yihiin…saacad walba danteenu way noo duuban tahay, cidna kala tashan meyno, mana noogula yeerayo," ayuu Muuse yiri.

Muuse Biixi ayaa intaasi ku daray in sidoo kale ay isku afgarteen Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya in la xoojiyo cilaaqaadka Hargeysa iyo Addis Ababa, oo hoos-u-dhac uu ku yimid markii uu xafiiska yimid Abiy bishii April ee sanadkii hore.

"Iskaashiga ina dhex-maraya waxaa ugu horeeya dhismaha wadada Wajaale iyo Berbera oo Khamiista la dhex-dhigi doono..dhismaha dekada Berbera-na waa la bilaabay..wixii heshiis ganacsi ah dib ayaanu u dhiganay," ayuu Muuse hadalka raaciyay

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa weerar afka ah ku qaadey Madaxwaynaha dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isaga oo ku tilmaamay "mid aanan ku dhaqmin Dastuur".

Si kastaba ha ahaatee, tani ayaa muujineysa in uu isbedalay mowqif uu Muuse Biixi horey uga qaatay xukuumada Muqdisho, kaasi oo ahaa in aanu marnaba wadahadal la galeyn, isaga oo ku eedeeyay cunaqabeynta la saarey maamulkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM