Muuse Biixi oo Xasan Sheekh ka rajaynaya "in uu ka garbaxo"

Image
Hadalkan ayaa ku soo aadayo iyadoo ay hakad galeen wada-hadalladii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Somaliland.

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa, isla-markaana lagu xusayey 26-ka June ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Biixi ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya looga baahan yahay in ay ka gar-baxdo Somaliland, ayna iska deyso hadallada ku dhisan af-macaanida ee ay ku wajahayso Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad loo doortay madaxweynaha Soomaaliya uu xog ogaal yahay, uuna ka rajeynayo in ay sii socdaan wada-hadallada labada dhinac oo marar kala duwan ka dhacay dalka dibaddiisa.

 “Dowlada cusub ee ay dhisanayaan, iyo ninkaa odayga ah ee wadahadaladeena iyo aynu xog ogaal badan u tirinayno, ee madaxweynaha ah iyo hadalkaa wanaagsan ee mar walba yidhaahdaan walaalahayaga Somaliland waanu wanaajinaynaa, waar hana wanaajinine aynu kala garbaxno ayaan leeyahay,” ayuu khudbaddiisa yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in mowqifka Somaliland oo deneyso madax-bannaani uu cadyahay, balse ay rabaan kaliya in lagu kala baxo miiska wada-hadalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo iyadoo ay hakad galeen wada-hadalladii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaas oo aan horey loo dhaqaajin sanadihii lasoo dhaafay.

Somaliland ayaa sanadkii 1991-kii ku dhawaaqay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, walow aysan illaa iyo hadda helin wax ictiraaf ah, waxaana dhacdadii ugu dambeysay ee ka dhacday magaalada Niarobi, kadib markii uu safiirka Soomaaliya uu isaga baxay shir lagu casuumay oo uu ku arkay wakiilo ka socday Somaliland, taas oo keentay in dowladda Kenya ay raalli-gelin buuxdo arrintaasi ka siiso dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa sheegay in maamulkiisa qodobada hortabinta leh ay uga midyihiin wada hadalada Soomaaliya si loo sugo midnimada umada Soomaaliyeed oo kula qayb samay colaadihii dalka dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM