Naciima Abwaan Qorane oo lagu sii daayey Cafis Madaxweyne

Image

HARGEYSA, Somaliland - Naciima Abwaan Qorane, oo ah Gabar Gabyaa ah, una dhaq-dhaqaaqda Midnimada Soomaaliya ayaa maanta lagu sii daayey Cafiska Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u fidiyay.

Naciima, oo ah kamid ah Hal abuurka Soomaaliyeed ayaa bishii lasoo dhaafay lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay in baraha bulshada ay ku qortay qoraallo ay Somaliland sheegtay in gef ah ku yihiin "Qaranimadeeda iyo Jiritaankeeda."

Wararka ayaa sheegaya in sii deynta Naciima ay ka dambaysay kadib kulan uu Aabaha dhalay Gabadhan, Abwaan Qorane uu maalmo kahor la yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi.

Naciima, 00 27 jir ah ayaa lagu xiray Garoonka diyaaradaha Hargeysa January 2018 xilli ay ka timid Muqdisho, oo ay kula kulantay Madaxweyne Farmaajo, sidoo kalena uga soo qeyb-gashay Barnaamijka TEDx oo ka jeediyay gabayo ku saabsan midnimada Soomaaliya.

Somaliland ayaa inta badan xabsiga dhigtaa shaqsiyaadka ay u aragto inay kasoo horjeedaan goosashadeeda, waxaana dadkaasi kamid ah Naciima Abwaan Qorane iyo kuwa kale oo uu ku jiro Cabdimaalik Coldoon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM