​Prof Axmed Ismaaciil oo ku biiraya xisbiga KULMIYE

Image

HARGAYSA- Waxa gebogebo ku dhaw xafiiltan iyo tartan adag oo saddexda xisbi ee ka jiraa Somaliland ugu jireen helitaanka aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar oo dhawaan shaaciyey inuu siyaasadda Somaliland qayb ka noqon doono, kaas oo haatan booqasho ku jooga caasimadda Hargeysa.

Sida muuqata waxa tartankaas ku guulaystay xisbiga talada haya ee KULMIYE, waxana si weyn loo dareemayaa in Prof. Samatar uu ku qancay ku biiritaanka xisbigaas, iyadoo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi laftiisuna si cad u sheegay inuu wax kasta ku bixin doono sidii uu Professor-ka u heli lahaa.

Axmed Ismaaciil Samatar oo ay galbinayaan kaadirka saree e xisbiga KULMIYE, ayaa muxaadiro(lecture) xarunta dhaqanka ee Hargeysa ugu jeediyey boqolaal dhallinyarada Jaamacadaha ah, inkasta oo aanu wali caddayn ku biiritaankiisa xisbiga KULMIYE, hadana waxa wada-socoshadaas iyo maqnaanshaha axsaabta kaleba caddaysay inuu Professor-ku la jaanqaaday siyaasadda Xisbiga KULMIYE.

Xisbiga WADDANI oo ah xisbiga ugu awoodda badan marka mucaaridka laga hadlayo, ayaa waxa uu laftiisu haadda ka hor isku dayayey innuu hantiyo aqoon yahan Axmed Ismaaciil Samatar oo la tuhunsan yahay inuu saamayn siyaasadeed oo culus leeyahay, balse taasi waxa ay haatan u muuqataa mid dhinaca KULMIYE u janjeersatay.

Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah, balse muddo dheer aaminsanaa mabda’a Soomaali-weyn, ayaa sanado ka hor shaaciyey inuu aragtidaas beddelay, waxana uu booqashooyin kala dambeeyey ku yimi Somaliland, isagoo dhawaan shaaciyey inuu mid kamid ah saddexda Xisbi ee jira ku biiri doono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM