Qaramada Midoobay oo dalbatay in la baaro dilalka Laascaanood

Image
Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Volker Türk, ayaa ka digay in ay sii socoto dhimashada shacabka.

HARGEYSA, Somaliland - Qaramada Midoobay oo war-saxaafadeed soo saartey Talaadadii ku baaqday in baaritaan madax-banaan oo dhex-dhexaad ah lagu sameeyo iska-horimaadyada ka dhacay magaalada Laascaanood.

Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa oo qoraal kooban soo saartey ayaa waxay hoosta ka xariiqdey in qulqulatooyinkaas ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof, 119 kalena ay ku dhaawacmeen.

"Waxaan ka walaacsanahay wararka sheegaya in iskahorimaadyadu ay sii socdaan maanta ayna ka dhasheen khasaare cusub," ayuu yiri madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Volker Türk.

Tirada Qarammada Midoobay ayaa laban-laabantay oo Isniintii ilo-wareedyo kala duwan ay u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP in waxyeelada dhimashada iyo dhaawac ay ka badan tahay 30 ruux.

"Dilalkan ayaa imaanaya hal bil uun kaddib markii ugu yaraan 20,000 oo qof ay ku barakaceen iska-horimaadyo ka dhacay Laascaanood, waxayna gacan ka geysan karaan barakac kale, taasoo uga sii dari karta xaaladda bini'aadantinimo ee gobolka oo markii horeba taag darnaa," ayuu hadalkiisa sii raaciyey Turk.

Laascaanood ayaa ah magaalo ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland oo 1991-dii ku dhawaaqdey gooni-isu-taag balse ay aduunka u aqoonsan tahay maamul hoostaga Muqdisho.

“Waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta inay baaritaan lagu kalsoonaan karo oo dhex-dhexaad ah ku sameeyaan iska hor imaadka si loo ogaado cidda mas’uulka ka ah iyo in lagula xisaabtamo si cadaalad ah,” ayuu Türk kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM