Rabshado hareeyay Ololaha doorashada KULMIYE ee Laascaanood [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

LAASCAANOOD, Puntland - Rabshado ayaa hareeyay isku soo bixii Ololaha doorashada xisbiga Kulmiye ee magaalada Laascaanod, ee gobolka Sool.

Musharaxa Xisbiga talada haya ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Afhayeenka Aqalka wakiiladda Baashe Maxamed, Wasiirro iyo mas'uuliyiinta maamulka Laascaanood ayaa ka qeyb galay isku soo baxa, kaasi oo saameeyay qalalaasaha dhacay.

Ilo-wareedyo ku sugan magaalada ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in rabshada ay billaabatey kadib markii dhalinyaro caraysan ay isku dhaaceen ciidamada amaanka Mas'uuliyiinta Xisbiga Kulmiye.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhalinayarada ay ka caraysnaayeen diidmada Fanaaniinta reer Laascaanood ee Mas'uuliyiinta Kulmiye u diiday inay ka qaadaan heeso badhigigooda maanta.

Ciidamada amaanka ayay fooda is dareen dhalinayarada xilli ay dhagxaan kuu tuureen dad weynaha isaga yimid fagaaraha Bandhiga Ololaha doorashada Xisbiga Kulmiye, ee Laascaanood.

Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay rasaasta ay rideen ciidamada amaanka Muuse Biixi Cabdi kuwaasi oo haween iyo caruur ay kamid ahaayeen, lanadhigay Isbitaalka magaalada, sida Goob-jooge u sheegay GO.

Magaalada Laascaanood oo aan horey uga dhicin shantii doorasho ee ka dhacday Somaliland ayaa sanadkan la filayaa in laga codeeyo, iyadoo xisbiyada UCID, KULMIYE iyo WADDANI ay ku loolamayaan.

Doorashada madaxtinimo ee Somaliland ayaa la filayaa inay dhacdo 13-ka bishan, oo ka harsan 9 maalmood oo kaliya.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali "Qarjab" ayaa uga digay Somaliland inay doorasho ku qabato deegaanada Puntland, gaar ahaan Sool iyo Sanaag.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM